Tirada kiisaska iyo dhimashada Covid-19 ee Somaliland oo korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah waxay sheegtay in 11-kiisas cusub ay kusoo kordheen xaaladaha safmarka Coronavirus ee degaanada maamulkaas.

Warbixinta maalinlaha ee 9-ka May, 2020 ayay wasaaraddu daboolka uga qaadey in sidoo kale hal bukaan uu u geeriyooday cudurka dilaaga ah.

Tirada guud ee kiisaska ayaa sii mareysa 34 qof, geeridana waxay sii cagacageyneysaa afar qof, halka tirada bogsatayna ay tahay 3 ruux.

Sidda ku cad qoraalka kasoo baxay Wasaaradda, tirada guud ee hataan karantiinka ku jirta waa 64, kuwaas oo sugaya baaritaano dheeraad ah.

Bukaanadda cusub ee maanta la shaaciyey ayaa kamid ah 380 oo laga baarey, sidda lagu sheegay warbixinta oo nuqul kamida la siiyey warbaahinta.

Shalay ayay ahayd markii Somaliland ay ku dhawaaqdey 11 kiisas cusub oo ah Covid-19 iyo bukaan horleh oo u geeriyooday caabuqa sidda fudud u faafa.

Magaala madaxda Hargeysa ayaa la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin dadka ugu badan ee uu soo ritay xanuunkan kasoo bilowday Shiinaha.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa waxay u muuqataa mid wajaheysa koror maalinle ah oo la xiriira xaaladaha xanuunkan aadka halista u ah xilli ay haysato qalab yari una qaylo-dhaamiyeen Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM