Soomaaliya oo sumcad iyo taariikh ka dhaxashay xukunkii kiiska Caasha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Todobaadkaan maxkamada Garowe, caasimada Puntland waxay xukun dil ah ay ku riday saddex qof oo lagu helay in ay kufsi iyo dil u geysteen Caasha Ilyaasi Aadan, oo ahayd gabar 12-sano jir ah.

Sidda ay maxkamadu sheegtay, raggaan waxaa dambiga uu ku cadaaday markii dhacaanada laga qaaday ay muujiyeen in ay la fal-galeen Inantaasi, taasi oo ah qaab ka duwan sida loo baari jiray kiisaska faroxumeynta ee wadanka.

Xukunkaasi oo baal-dahab ah ka galay sooyaal guud ahaan dalka ayaa waxa uu taariikh cusub oo lama ilaabaan ah uu u sameeyay guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed xili caalamka uu bogaadiyey.

Sidda laga soo xigtay war kasoo baxay Bureau of Forensic Science, waa markii ugu horeysay guud ahaan Soomaaliya oo caddeymo laga helayo hidasidaha [DNA-ga] xukun loogu rido fal-dambiyeed.

Dowlada Puntland ayaa hir-gelisay sheybaarka dhacaanada lagu baaro sanadkii 2017-kii, markaasi oo ay bateen falalka kufsiga ah, waxaana ujeedka uu ahaa in xal loo helo laguna ciqaabo dadka ka dambeeya.

"Soomaaliya waxay markii ugu horeysay ay kusoo biirtay wadamada kale ee aduunka ee ku midoobay in qaab cilmiyeysan loo xaliyo kiiska dambiyada foosha xun," ayaa lagu yiri bayaanka Bureau of Forensic Science.

Bureau of Forensic Science waa xarun qaabilsan in gal-dacwadeedyada jinsiga qaab cilmiyeysan loo wajaho inta lagu guda jiro baaritaanka, taasi oo sahleysa in la helo caddeymo biyo kama dhibcaan ah.

Bishii Febraayo ayay ahayd markii Caasha Ilyaasi la afduubtay kadibna la faroxumeeyay kahor inta aan la jirdilay, isla markaana meydkeeda lasoo dhigin meel ku dhow hoygooda, taasi oo dhalisay carro badan.

Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ku tilmaamay in kufsiga uu ka yahay Soomaaliya "wax caadi ah" isla markaana Booliska uu ku guuldareysto in uu si dhab ah u baaro, wallow ay haatan muuqato in laga gudbayo.

Dowladda Puntland oo Xeerka Kufsiga meel-marisay sanadkii 2016-kii ayaa waxa uu kufsigu ka dhigayaa dambi, kaasi oo qofka ku muteysan karo ciqaab adag sida dil toogasho.

Xukuumada federaalka ee uu fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa wali ka shaqeyneysa Xeerka Kufsiga, kaasi oo ay ansixiyeen wasiirada balse u baahan meel-marinta Baarlamaanka.

Tobban qofood ayaa loosoo xiray kiiska Caasha Ilyaas Aadan, balse waxaa lasii daayey todoba kale markii wax dambi ah lagu waayey.

Xeer-ilaalinta ayaa tibaaxday in 37 tijaabo oo hidaside ah laga qaaday shaqsiyaadka la tuhmay, ayna ku caadatay saddexda sugeysa in meel fagaaro ah lagu toogto.

Cabdinuur Jaamac Xuseen, gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa shaaciyey in raggaan ay haystaan muddo bil ah oo ay Racfaan ku qaadan karaan.

Qoyska dhibanaha haatan cadaalada helay oo aad u soo dhaweeyay xukunkaasi ayaa u mahad-celiyey xukuumada Puntland, oo ay ka rajeeyeen in ay go’aanka maxkamada ay dabaqi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM