Wariye maxkamad loosoo teegay dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda ciidamadda Soomaaliya waxaa maanta la horgeeyay Maxamed Cabdiwahaab Maxamed [Abuuja], oo kamid ah wariyeyaasha ka howlgala magaala madaxda Muqdisho.

Abuuja oo ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ay xabsi u taxaabeen 6-dii May, sanadkii 2019 ayaa loo haystaa dilka Baxsaney Cabdulle Boolaay oo ka dhacay degmadda Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dhageysigii Isniinta maanta ah oo ahaa fadhigii ugu dambeeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ehelkiisa iyo xubno ka tirsan ururada warbaahinta.

Dacwad-oogeyaasha oo ku adkeystay in Abuuja uu ku lug-lahaa falkaas ayaa la yimid marqaatiyaal ay ku jiraan saraakiil – Midkoodna si toos uma caddeyn, marka laga reebo mid ay jawaabihiisu is-burinayeen.

Xafiiska xeer-ilaalinta oo difaacay doodiisa ayaa ka codsaday garsooreyaasha in ay go'aan ku gaaraan caddeymaha "kala dhiman" ee ay horgeeyeen.

Qareenadda oo aan ku qancin caddeymaha ayaa xusay in aysan jirin tilmaamo sax ah oo muujinaya in Abuuja uu dambiga galay, iyagoo codsaday in xorriyadiisa dib loo siiyo saxafigan madaxa-banaan.

Wariye Abuuja oo khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo hogaanka amniga degmada Shibis oo ehelkiisa ay degan yihiin ayaa dhowr jeer iska fogeeyay eedeymaha, isagoo cadaalad la rajeeyay maxkamadda.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada caalamka ee lagu dhibaateeyo wariyeyaasha marka ay tooshka ku ifiyaan khaladaadka mas'uuliyiinta aanan u dulqaadan dhaliisha isla markaana oo u adeegsa awood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rabshado iyo Iska-hor-imaad ka Qarxay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Xiisaddan maanta ayaa timid xilli shalay Guddoonka Baarlamaanka uu ganaax iyo muddo ka saarid ku soo rogay 18 xildhibaan.

  • Soomaliya

    02-02-2026

  • 10:23AM

Xasan Sheekh oo la-tashiyo sameynaya kaddib diyaarado laga celiyay Muqdisho

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa isna wada kulamo gaar ah oo la xiriira dhacdadan.

  • Soomaliya

    01-02-2026

  • 01:13PM