235 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Masjid ku yaalla Masar

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MASAR - Ugu yaraan 235 qof ayaa lagu dilay, in ka badan 109 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaarey weerar lagu qaadey Masjid ku yaalla waqooyiga gobolka Siinaay ee dalka Masar.

Saraakiisha Booliska dalka Masar ayaa sheegay Koox hubaysan ay weerar ku galeen Masjidka xilli salaadii Jimcaha lagu jiray, waxaana ay rasaas ku fureen dhamaan Jameecadii ku jirtay salaadda.

Waxaa sidoo kale gudaha Masjidka ka dhacay qarax ragga weerarka ku qaadey ay wateen, kaasi oo geestay inta badan khasaaraha, sida ay Goobjoogiyaal u sheegeen Wargeyska Al-Ahram.

Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor-diiq heer qaran ah, kadib weerarka argagaxiso, kaasi oo loo maleynayo inay ka dambayso Kooxda Daacish ee ku xoog badan gobolka Siinaay.

Masjidka la weeraray waxaa lagu magacaabaa Al Rawdah, wuxuuna ku yaalla degmada Bir Al-Abed oo galbeed magaalada Arish dhacda. Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.

Madaxweyne Al Siisi ayaa kulan deg deg ah isagu yeeray gudiga amniga Masar si ay uga wada hadlaan weerarka dhacay iyo sidii dowladda uga jawaab celin lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM