Cabdulqawi oo loo doortey Gudoomiyaha Maxkamada Caalamiga ee Caddaaladda

Image

HAGUE- Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda “ICJ” oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee wadanka Holland ayaa waxay Gudoomiye u dooratey Cabdulqawi Axmad Yusuf maalinimada Talaadada Feb 6,2018 isagoo horey u ahaan jirey ku xigeenka ICJ. Codbixintaan ayaa aheyd mid qarsoodi ah.

Garyaqaankan caanka ah ayaa Maxkamadaan ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2009 isagoo xilka ku xigeenka hayey inta aan Gudoomiyaha loo dooran maanta.

Yusuf ayaa ku dhashey magaalada Eyl ee gobolka Nugaal “Puntland” sanadkii 1948. 1973 ayaa waxaa uu ka baxay Jaamacada ummada Soomaaliyeed. Waxa waxbarashadiisa kale “Post graduate” uu ku qaatey Jaamacada Florence dalka Talyaaniga isagoo dhameeyey 1977.

Dalka Switzerland ayuu ku dhameeyey Ph.D magaalada Geneva “ International Law”. Tan iyo markii uu Waxbarshadiisa dhameystey waxa uu u shaqeeyey hay’ado Caalami ah, isagoo noqdey la taliye xaga sharciga ah kadib waxaa uu u xuubsiibtey Xaakin fariista Maxkamdaha.

Cabdulqawi ayaa badali doona Ronny Abraham oo u dhashey dalka Faransiiska isagoo noqon doona Madaxweynihii 25aad ee ICJ halka dhinaca kale ah uu yahay qofkii Sadexaad oo u dhashey qaarada Afrika ee xafiiskaan qabta. 

Gudoomiyaha cusub ayaa waxaa tahniyad u direya Senator Cabdiraxman Maxamad Farole “Madaxweynihii hore ee Puntland” iyo Senator Cabdirizaq Cismaan Jurile oo aqoon duragsan u leh Xaakimka.

ICJ ayaa ah qaybta Caddaaladda ee Hay’ada Qaramada Midoobey. Taasoo shaqadeedu tahay in si sharci ah ku kala saarto wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

Dalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa Maxkamadaan horgeynaya khilaafka dhinaca xuudada Badda ee u dhexeeya sanadkaan 2018. 

Maxkamada Caalamiga ee Caddaaladda ayaa ka kooban 15 Xaakim oo ay doorteen Golaha guud ee Qaramada Midoobey iyo golaha amniga kuwasoo xilka haynaya 9 sano.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM