Cabsida laga qabo inuu Coronavirus gaaro Turkiga oo "xoogeysatay"

Image

ANKARA, Turkey – Suurtagalnimada in Coronavirus uu gaaro gudaha Turkiga "aad bey u sareysaa," sidaas waxaa maanta oo Talaado ku dhawaaqdey Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.

Fahrettin Koca, wasiirka caafimaadka waddankaas, ayaa warkaas ka dhawaajiyey, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Koca ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in ay qaadayaan "talaabooyinka laga maarmaanka ah si looga baaqsado arrintaas".

Hadalka wasiirka ayaa xoojinaya walaaca dadweynaha Turkida ah, si lamid ah, ajaaniibta kale oo ay Soomaalidu kamid tahay.

Wallow aan wali laga helin Turkiga, cudurkaas dilaaga ah oo laga xaqiijiyey in ka badan 90 dowladood ayaa dilay ku dhowaad afar kun oo ruux.

Sidda ku xusan warbixintii u dambeysay, in ka badan 64-kun oo ruux ayaa kasoo kabtay markii la karan-tiilay.

In ka badan 150-kun oo kiis ayaa laga diiwaan-geliyey tan iyo markii uu xanuunkaas kasoo bilowday dalweynaha Shiinaha.

Coronavirus, oo si fudud u faafi og, ayaa ku biiray liiska caabuqyada geerida ugu badan ku sababay waqti kooban, wallow ay sii xoogeysaneyso cabsida laga qabo in uu kaalinta koowaad galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM