Cawaaqibka u gaarka ah Soomaaliya ee dagaalka Russia iyo Ukraine

Image
Saameynta aan tooska ahayn, balse taabatay nolosha qof kasta ayaa ah tan dhaqaale ee guud ahaan adduunka, gaar ahaan Afrika.

NAIROBI, Kenya - Waxaa laga yaabaa in madaafiicda ay ku hoobanayaan magaalooyinka dalka Yurub ku yaala ee Ukraine, iyada oo taangiyada guurguuranaya ee Ruushka ay maalin kasta caasha ku jiirayaan kaabayaasha dhaqaale ee dalkaasi, dadkii intii dhimatay iyo intii qaxday mooyee.

Inta kale ay gabbaad ka dhigteen godad iyo meelo dhismayaasha hoostooda ah oo ay kaga nabad-galaan duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Ruushka.

Saameynta aan tooska ahayn, balse taabatay nolosha qof kasta ayaa ah tan dhaqaale ee guud ahaan adduunka, gaar ahaan Afrika.

Inta aan wax kale la gaarin, saamaynta ugu badan waxa ay ka timid Ruushka oo ah soo saaraha ugu weyn ee saliidda, gaaska, naxaasta, qamadiga iyo hadhuudhka markii cunaqabataynta la saaray, islamarkaasina ay hubanti la’aan ka dhalatay daabulista badeecooyinka iyo sidii ay suuqyada caalamka ku gaari lahayd, waxaana aad sare ugu kacay qiimihii badeecooyinkaasi duruuriga ah.

Qaaradda inta badan wax soo dhoofsata , ee soo saarka uu ku yaryahay ee Afrika, waa tan saamaynta ugu xun ay arrintani ku reebtay.

Saameynta la dareemay todobaadkii koowaad

Tusaale Dalka Masar oo qamadiga aad usoo dhoofsada, durbaba waa laga dareemay kuleelka sare u kaca qiimaha, halka Kenya oo shidaalka aad usoo dhoofsata iyada uu markiiba qalalaase dhaqaale ku abuuray dagaalka.

Balse dalalka wax dhoofiya sida Nigeria iyo Angola ayaa iyagu aad uga macaashi doona sare u kacan badeecooyinka adduunka, sida ay qabto Yvonne Mhango, oo ah madaxa cilmi-baariska Afrika ee Renaissance Capital.

Halkii barmiil oo shidaalka ceeyriin ah wuxuu gaaray $110 todobaadkii koowaad ee dagaalka, taasi oo ka dhigan koror boqolkiiba 80% ah. Waxyaabaha ay tani markiiba ragaadinayso waa gaadiidka safarka, qiimaha tamarta, iyo waxyaabo kale oo badan, kuwaas oo gaaray qiimo aysan dadka awoodi karayn.

Dhanka dambiisha cuntada, isku darka Ruushka iyo Ukraine waxa ay suuqyada caalamka geyn jireen boqolkiiba 30% qamadiga, halka Ukraine oo qura ay caalamka geyn jirtay boqolkiiba 15% hadhuudhka.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in qiimaha labadan cunto uu aad sare ugu kacayo, illaa heer ay dadka aan waxbo haysan ku adkaan doonto in ay cunto helaan.

Ganacsiga u dhaxeeya Ruushka iyo Afrika

Maba kusii jirto Afrika oo inta badan soo dhoofsata qamadiga. Dalalka qiimo kaca gallayda (hadhuudhka) ka badbaadi doona waa dalalka ku yaala Afrikada Koonfureed, kuwaas oo inta badan iyaga beerta gallayda.

Inkasta oo ganacsiga ka dhaxeeya Ruushka iyo Afrika uu aad u yaryahay, haddane waxyaabaha kale uu Ruushka Afrika u iib geeyo waxaa ka mid ah waxyaabaha beeraha lagu bacrimiyo iyo daawooyinka.

Iyada oo beeralayda Ukraine ay isaga qaxeen beerahoodii, dekedihii wax laga dhoofin jireyna ay shaqadii joojiyeen, qiimaha qamadiga waxa uu sare u kacay xaddi dhan 55% xitaa todobaad ka hor inta uusan dagaalka qarxin, welwel laga qabay waxa soo socda.

Waxaa la saadaalaanayaa in dalalkii ku tiirsanaa cuntada Ukraine ay cuntada gabaabsi ka noqon doonto marka la gaaro bisha Luuliyo ee soo socota haddii dagaalka intaasi sii socdo.

Tani ayaa waxaa la sheegay in dad badan ay ka dhigi doonto kuwa faqri ah, islamarkaasina ay abuuri doonto amni darro ama dabar-goy baahsan oo dhinaca cunadda ah.

Cawaaqibka u gaarka ah Soomaaliya

Dalalka Afrika ayaa wadar ahaan Ruushka kasoo dhoofsaday cunto gaaraysa $4 bilyan oo doolar sanadkii 2020-ka oo keliya, iyada oo cuntadaasi 90% ay ahayd qamadiga. Sida uu sheegay Wandile Sihlobo oo ka tirsan Rugta Ganacsiga Koonfur Afrika.

Dalalka tiradda yar ee qorshaha fog leh ee ka maarmista waxa lasoo dhoofiyo waa Nigeria oo doonaysa in beeraheeda laga soo saaro boqolkiiba 75% qamadiga loo baahanyahay, lana gaaro isku filnaansho shanta sano ee soo socota.

Dalka Soomaaliya qiimaha qamadiga iyo saliidda waxa ay sare u kaceen wax ka badan boqolkiiba 300%, iyada oo sida uu warbaahinta u sheegay Iman Cabdullaahi oo madax ka ah hay’adda CARE ee Soomaaliya in 90% qamadiga Soomaaliya bur ahaanta u gaara laga keeno dalka Masar, oo isna kasii keensada Ukraine iyo Ruushka.

Xaalada soo korortay ayuu carabka ku dhuftey in ay uga sii darayso abaaraha ka jira gayigani. Waxa uu sheegay in ay arkayaan dad badan oo gaajaysan iyo qaar badan oo ay nafaqo daro baahsan haleeshay.

Si kastaba ha ahaatee, isku xirnaanta adduunka iyo isku tiirsanaantiisa xagga ganacsiga, iyo Afrika oo ah qaarad inta badan wax soo dhoofsata ayaa dagaalka Ukraine ka dhigaya mid saansaan aan wanaagsanayn u horseedi kara qaaraddan oo markii horeba la ciirciireysay dhibaato iyada u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM