Dagaal qaraar oo ka socda magaalada Ramadi

Image

22 December, 2015(GO)-Ciidamada Ciraq ayaa bartamaha magaalada Ramadi kula dagaalamaya dagaalyahannada Kooxda Daacish, ayaga oo isku dayaya inay la wareegana gacan ku haynta magaalada.

Sabah al-Numani oo ah afhayeenka ka hortagga argagixisada ee Ciraq, ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacayey xaafadaha u dhow dhismaha dowladda, ayna caawimaad ka helayeen ciidamada cirka ee xulufada.

Lumintii gacan ku haynta magaalada Ramadi ee bishii May ayaa waxa ay ahayd jab weyn oo gaaray dowladda Ciraq.

Dadaallada dib loogu qabsanayo magaaladan oo 100 KM u jirta galbeedka Baghdad, ayaa waxa ay qaateen bilo, ayada oo dagaalo ay ka dhaceen duleedka magaalada, islamarkaana sahayda laga goooyeey Daacish.

Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ayaa weeraro dhinaca cirka ah ku caawinayey ciidamada Ciraq oo isku dayaya inay qabsadaan dhul badan oo ka mid ah waqooyiga iyo galbeedka dalkaas.

Xigasho: VOA

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM