Dagaal qaraar oo ka socda magaalada Ramadi

Image

22 December, 2015(GO)-Ciidamada Ciraq ayaa bartamaha magaalada Ramadi kula dagaalamaya dagaalyahannada Kooxda Daacish, ayaga oo isku dayaya inay la wareegana gacan ku haynta magaalada.

Sabah al-Numani oo ah afhayeenka ka hortagga argagixisada ee Ciraq, ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacayey xaafadaha u dhow dhismaha dowladda, ayna caawimaad ka helayeen ciidamada cirka ee xulufada.

Lumintii gacan ku haynta magaalada Ramadi ee bishii May ayaa waxa ay ahayd jab weyn oo gaaray dowladda Ciraq.

Dadaallada dib loogu qabsanayo magaaladan oo 100 KM u jirta galbeedka Baghdad, ayaa waxa ay qaateen bilo, ayada oo dagaalo ay ka dhaceen duleedka magaalada, islamarkaana sahayda laga goooyeey Daacish.

Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ayaa weeraro dhinaca cirka ah ku caawinayey ciidamada Ciraq oo isku dayaya inay qabsadaan dhul badan oo ka mid ah waqooyiga iyo galbeedka dalkaas.

Xigasho: VOA

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM