Diyaarad ay saarnaayeen ugu yaraan 100 qof oo rakaab ah oo burburtay

Image
Image

ISLAMABAD, Pakistan – Diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen ugu yaraan 100 qof ayaa ku burburtay goob degaan ah oo ku taala magaalada Pakistan ka tirsan ee Karachi, sidda ay xaqiijisay Hay'adda Socdaalka dalkaas.

Abdul Sattar Khokhar, afhayeenka hay'adda oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen sababta soo ridday.

Duulimaadka oo ahaa PK8303 isla markaana nooca diyaaradda uu ahaa Airbus A320 taasoo ku howlgaleysay magaca Shirkadda Duulimaadyadda Caalamiga ah ee Pakistan ayaa ka yimid magaalada Lahore.

Sawirro iyo muuqaal uu qaadey Telefishinka Qaranka ayaa muujiyey burbur soo gaarey guryo ku yaala meesha ay ku dhacday diyaaradda.

Sidoo kale, muuqaaladda ayaa muujiyey dadweyne dadka degaanka ah oo buux-dhaafiyey goobtu shilku ku dhacay oo gurmad lala gaarey.

Warar horudhac ah oo laga helay mas'uuliyiin kala duwan ayaa waxay tilmaamayaan in ay geeriyoodeen dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda.

Sanadkii 2016-kii, duulimaad ganacsi oo ay sameyneysay Shirka Duulimaadyadda Caalamiga ah ee Pakistan taaasoo ku burburtay magaaladda Chitral waxaa ku dhintay 47 ruux oo la xaqiijiyey in ay saarnaayeen diyaarada.

Pakistan ayaa sanadihii lasoo dhaafay dardargelisay qorsheyaal ay ugu diyaar-garoobeyso shilalka diyaaradaha, waxaana kamid ah agabka gurmadka deg-dega oo lagu daad-gureeyay Isbitaalada ku yaala koonfurta waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM