Dowladaha Imaaraadka iyo Israel oo heshiisyo horleh kala saxiixdey

Image

ABU DHABI, UAE – Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa xiriirkooda kusii xoojiyey kala saxiixashada heshiis dhanka gaadiidka hawada kaasoo xeerinaya 28 duulimaad oo asbuuc walba ka baxaya Imaaraadka tagayana Tel Aviv.

Mas'uuliyiinta Hay'addaha Socdaalka dalalkan ayaa Talaadadii heshiiskan ku kala saxiixdey kulan ay ku yeesheen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee caasimada Tel Aviv. Heshiiska wuxuu ku kooban yahay diyaaradaha rakaabka.

Is-aragaas ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey wafdigii ugu horeeyay abid inta la og-yahay kana socda xukuumadda Abu Dhabi oo ka degay dhulka Israa'iil.

Sidda uu baahiyey telefishinka afka dheer ee Al Carabiya, duulimaadyadda oo qaar aan xadid-neyn ayaa bilaaban doono todobaadyadda soo aadan.

Wakaaladda wararka u faafisa Imaaraadka ee WAM ayaa daabacdey "heshiiska wuxuu xoojinayaa xiriirka laba geesoodka dhanka ah ee labada wadan".

Wasiirka Maaliyadda Imaaraadka, Abdulla bin Touq Al Marri, iyo Wasiirka Gaadiidka Yahuuda, Israel Katz, oo saxiixay heshiiska ayaa si lamid ah waxay kawada-xaajoodeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen duulimaadka.

"Heshiiska wuxuu talaabo muhiim u yahay dhanka abuurida xiriir wanaagsan oo wada faa'iideysi ah kaasoo dhexmara labada dal kadib saxiixa Axdigii Nabada Abraham kaasoo ujeedkiisu yahay in la aas-aaso nabad, lagu gaaro nabad laguna abuuro fursad gobolka u horseedeysa horumar dhaqaale iyo mid bulsho," ayuu Al Marri ka sheegay munaasabadda ka dhacdey garoonka diyaaradaha.

Heshiiska cusub ayaa la rajeynayaa in uu kor u qaado dalxiiska iyo ganacsiga labada dowladood. Talaadadii duulimaadkii ugu horeeyay abid ka baxa Imaaraadka ayaa gaarey Israel, waxaana la socdey shaqaalaha kaliya.

Duulimaadkaas waxaa fulisay Etihad Airways taasoo noqotay diyaaradii ugu horeeyay ee Khaliijka laga leeyahay oo safar rayid ku tagta Israa'iil.

Heshiis saddexaad oo Talaadadii ay kala saxiixdeen Yahuuda iyo Israa'iil ayaa ku saabsan horumarinta iyo ilaalinta maalgashiga, sayniska, hal abuurka iyo fududeynta dal ku galka ama waxa afka qalaad loogu yeero fiisaha.

Ra'iisul wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, ayaa shaaca ka dhigay in labada dowladood ay u ogolaan doonan muwaadiniintooda in ay isku socdaalaan dal ku gal la'aan, talaabadaas oo bog cusub u fureysa cilaaqaadka ka dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadaladii XMS iyo Israa'iil oo qarka u saaran inay burburaan

Qatar ayaa ku dhawaaqay in wadahadalada ay marayaan marxalad xasaasi ah.

  • Caalamka

    17-04-2024

  • 03:06PM

Tirada askarta Ruushka looga dilay dagaalka Ukraine oo la shaaciyay

Baaritaan ay sameysay BBC-da ayaa lagu xaqiijiyay geerida tiro sideed jibaar ka badan inta ay xaqiijisay Moscow.

  • Caalamka

    17-04-2024

  • 04:46AM