Madaxweyne isbitaal loola cararay kadib xanuun lasoo darsay

Image

BELGRADE, Serbia – Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vucic, ayaa loola cararay Isbitaal markii ay soo wajahdey mushkilad dhanka wadnaha ah, sidda Sabtida maanta ah laga soo xigtay xafiiskiisa.

Mas'uul ka tirsan xukuumadda oo magaciisa u qariyey sababa jira ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay: "Madaxweynaha xaaladiisa haatan waa xasiloon tahay".

Vucic, oo 49-sano jir ah, ayaa waxaa Jimcadii la geeyay Isbitaal uu leeyahay milatariga oo ku yaala magaaladda Belgrade.

Xilka madaxweynaha ayaa loo doortay sanadkii 2017-kii. Kahor, waxaa 2014-kii wuxuu noqday ra'iisul wasaare.

Xisbiga lagu magacaabo Serbian Progressive Party, oo haatan taladda haya, ayaa wuxuu u yahay hogaamiye tan iyo sanadkii 2012-kii.

Ololaha ugu badan intii ay socotay doorashadda oo loolan aad u adag uu kala kulmay xubnaha mucaaradka ayaa wuxuu ku galay in uu furfuryo ganacsiga maxaliga iyo xoojinta maalgelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM