Madaxweyne isbitaal loola cararay kadib xanuun lasoo darsay

Image

BELGRADE, Serbia – Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vucic, ayaa loola cararay Isbitaal markii ay soo wajahdey mushkilad dhanka wadnaha ah, sidda Sabtida maanta ah laga soo xigtay xafiiskiisa.

Mas'uul ka tirsan xukuumadda oo magaciisa u qariyey sababa jira ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay: "Madaxweynaha xaaladiisa haatan waa xasiloon tahay".

Vucic, oo 49-sano jir ah, ayaa waxaa Jimcadii la geeyay Isbitaal uu leeyahay milatariga oo ku yaala magaaladda Belgrade.

Xilka madaxweynaha ayaa loo doortay sanadkii 2017-kii. Kahor, waxaa 2014-kii wuxuu noqday ra'iisul wasaare.

Xisbiga lagu magacaabo Serbian Progressive Party, oo haatan taladda haya, ayaa wuxuu u yahay hogaamiye tan iyo sanadkii 2012-kii.

Ololaha ugu badan intii ay socotay doorashadda oo loolan aad u adag uu kala kulmay xubnaha mucaaradka ayaa wuxuu ku galay in uu furfuryo ganacsiga maxaliga iyo xoojinta maalgelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM