Maraykanka iyo xulafadiisa oo duqeeyey Suuriya

Image

Sept 23, 2014 (GO)- Maraykanka iyo qaar kamid wadamada Carabta ee isu bahaystay ladagaalanka IS ayaa markii ugu horreysey duqeeyey fariisimo ciidan oo kooxdaasi ay ku leedahay gudaha dalka Suuriya.

Af-hayeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka (Pentagon-ka) ninka lagu magacaabo John Kirby, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey duqeyta ka dhacday Suuriya inkastoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin dheeri ah ka bixiyo.

"howlgalladu weli way socdaan, mana joogno xilli munaasib ku ah inaan faah faahin intaas ka badan bixino" John Kirby ayaa sidaas warfidiyeenka u sheegay mar uu shir-saxaafeed ku qabtay xarunta Pentagonka-ka.

Wadamada Carbeed ee ka qayb qaatay duqeynta weli lama shaacin, waxaase loo badinayaa inay yihiin qaar kamid ah wadamada Khaliijka oo iyagu cabsi aad u weyn ka qaba awoodda sii baaheysa ee kooxdaas xagjirka ah.

Laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay, militeriga Maraykanku waxay dalka Ciraaq ka fuliyeen 190 weerar oo dhanka cirka ah, duqeymahaas oo badankooda ay diyaardaha bilaa duuliyaha ahi fuliyeen, waxaa lala bartilmaameedsaday fariisimo ciidan iyo gaadiid dagaal oo kooxda Daacish leedahay.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo labo todobaad kahor jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlayey khatarta sii kordheysa ee kooxdan, wuxuu sheegay in Maraykanka ay ka go'an tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda IS iyadoo la adeegsanayo tallaabo kasta oo suurogal ah.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM