Mas'uul safray 400 kiiloomiitar oo dhibaato u horseeday Boris Johnson

Image

LONDON, United Kingdow - Ra'iisul wasaaraha waddanka Britain, Boris Johnson, ayaa hadda bartamaha u galay qalalaase siyaasadeed kaddib markii uu soo ifbaxday war tilmaamaya in la taliyihiisa uu ku safray gudaha iyaddoo Covid-19 jiro.

Wuxuu jaray masaafo gaareysa ilaa 400 Kiiloomiitar iyadoo ay la socdeen xaaskiisa iyo canug uu dhalay xilli UK looga dhawaaqay xayiraadda looga hortaggayo fiditaanka feyraska Korona.

Dominic Cummings waa la taliyaha ra'iisul wasaaraha UK, wuxuu Isniintii sheegay "in dhaqan macquul ah uu sameeyay" markii uu booqasho ku tegay deegaanka Durham oo ku yaalla waqooyi bari England si uu usoo eego hanti ay leeyihiin waalidiintiisa.

Xilliggaas waxaa la socday xaaskiisa oo xannuunsan. Cummings wuxuu sheegay in xaaskiisa iyo isagaba "ay wajahayeen xaalad adag" oo ku saabsan daryeelka canugooda.

Ra'iisul wasaare Boris Johnson wuxuu taageero u muujiyay taliyihiisa siyaasadda oo uu sheegay in sharciga uu u hoggaansamay markii uu safrayay isla maarkaana uu raacay talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo cudurka.

"Waxaan ogahay in malaayin qof ay la xannuunsan yihiin cudurka halka kumananaan qof ay u dhinteen," ayuu yiri Cummings.

Xilli cadaadis uu saaran yahay Cummings si uu sharraxaad uu ugu bixiyo sababta uu ugu safaray gudaha dalka iyadoo Britain lagu soo rogay bandow looga hortaggayo faafidda Korona, balse wax raalligelin ah kama uusan bixin dhacdadaas, wuxuu sidoo kale sheegay in uusan ka qotrsheyneynin in uu iscasilo.

Jahwareer

Inkasta oo tirada dadka u dhintay cudurka ay sare u kacday gudaha Yurub, dowladda UK waxay heleysay taageero xooggan oo ku aadan xaaladdan.

Xilli dhibaatada cudurka ay saameyn ba'an ku reebtay UK, dadka waxay ku tiirsan yihiin dowladda marka ay timaaddo helidda wararka ka farxinayo.

Sida ku xusan aragti dadweynaha waxay muujineysa in taageerada loo hayo Ra'iisul wasaare Boris Johnson iyo dowladdiisa ay sare u kacday.

Balse waxaa sidoo kale jira qalalaase siyaasadeed ka hor inta aanan la soo afjarin dhibataadan haatan soo wajahday la taliyihiisa Dominic Cummings.

Britain waxay weli wadaa dadaallo looga hortagayo cudurka Covid-19 marka la barbardhigo dalalka kale ee Yurub, waxay shaqaalaha caafimaadka siineysay qalabka ay kaga gaashaantaan cudurka iyo sidoo kale waxay wadaa howlaha baaritaanada cudurka oo si guud ah.

Waa kuma Dominic Cummings

Dominic Cummings waa ninka ugu muhisan siyaasadda Britain.

Inkasta oo aan lasoo dooran, Cummings waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay maskaxdii ka dambeysay ololihii Britain ay kaga baxday Midowga Yurub iyo guushii uu doorashada ka gaaray Ra'iisul wasaare Johnson.

Haatan, waa la taliyaha ra'iisul wasaaraha Britain.

Inta badan khudbadaha waaweyn waxaa soo diyaarsada ra'iisul wasaaraha balse fikradaha waxay ka yimaadaan Mr Cummings.

Waa ninkan haya howl saameyn weyn ku leh dalkaas, waana sababta haatan loogu dhagan yahay, xilli la taliyeyaasha kale ee dowladda aanan howshooda war laga heyn.

Maxaa lagu heystaa?

Cummings wuxuu kamid ahaa saraakiishii dowladda ee udub dhaxaadka u ahaa dhaqangelinta xaayiradda lagu xakameynayo fiditaanka feyraska.

Xayiraadda waxay dhaqan gashay 23-dii bishii Maarso, wuxuu qeexayay in qof kasta oo laga helo xannuunka ama qof ka mid ah qoyska laga helo waa inay guryaha joogaan.

Dominic Cummings kama uusan hadlin arrintani.

Dominic waxaa la sheegay in uu safray ilaa 400 kiiloomiitar , wuxuu baabuurka ku waday xaaskiisa oo cudurka la xannuunsaneyd iyo canugiisa oo 4 jir ah, wuxuuna tagay guri ay leyhiin waalidiintiisa.

Wuxuu ku anddacooday in taageero uu ka helay ra'iisul wasaare Johnson, waxay arrintani muujineysaa sida uu uga walaacsanaa xaaladda caafimaad ee canugiisa.

Balse aragtida guud, sida ay qabaan siyaasiyiinta qaar, waxay sheegayaan in ficilada uu sameeyay Cummings aysan kasoo horjeedin sharciga balse uu jebiyay xayiraadda xilli dad badan lagu qasbay in guryahooda ay joogaan.

Arrintani maxaa loo daneynayaa?

Shaki kuma jiro in arrintani ay tahay caqabaddii ugu weyneyd ee soo wajahaday siyaasadda Boris Johnson, waxaana lagu saleeyay labo arrimood.

Tan koowaad: Dad badan waxay ka careysan yihiin ficilka la taliyihiisa, dadka waxay aaminsan yihiin in shacabka iyo saraakiisha dowladda uu hagayo hal sharci.

Dadka qaarkood ayaa si caro leh uga hadlay arrintani, tobonaan kun oo qof ayaa sheegay in sida ay ku dhici karto arrintaas maadaama la booqan waayay dadkii geeriyoonayay ama laga qeybgeli waayay aaska dadkii u dhintay feyraska Korona.

Xildhibanaada ka tirsan xisbiga xukunka haya ee Conservative-ka ayaa ka walaacsan arrintani, halka qaar ka mid ah xildhibaanadan ay shaki ka muujiyeen xaaladda la soo deristay ra'iisul wasaaraha.

Hadda, dadkii ay matalayeen ayaa qoraallo caro leh u diraya, waxayna ka walaacsan yihiin in Johnson uu ka adkaaday shaqadiisa iyo in kale.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in Ra'iisul wasaaraha, Boris Johnson, uu taageero ka heysto xildhibaanada, waxaa jira dareenka ah in inta badan siyaasiyiinta xisbiga Conservative-ka ay garab taagan yihiin Ra'iisul wasaarahooda iyo dowladdooda.

BBC + GO

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM