Soomaali taariikh sameysay xili xisbiga Trump dhegta dhiiga loo daray

Image

WASHINGTON, US – Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku guuleystay badi doorashooyinka gobolada ee Mareykanka, taas oo lagu tilmaamay dharbaaxo kulul oo ku dhacday xisbiga madaxweyne Donald Trump.

Andy Beshear ayaa wuxuu hantiyey kursiga gudoomiyaha gobolka Kentucky kadib doorasho aad loogu loolamay.

Dhinaca kale, dimoqraadiga ayaa qabtay hogaanka xeer-dejinta gobolka Virginia markii ugu horeysay muddo 20-sano ah kadib.

Natiijadan ayaa waxay muujineysa lagdan siyaasadeed oo adag kahor doorashada madaxweynaha ee sanadka dambe 2020-ka.

Sikastaba ha ahaatee, Jamhuuriga ayaa xijistay gudoomiyaha goboolka Mississippi, kadib coddeyn aad laysugu dhowaa.

Donald Trump oo guul daradda qirtay ayaa wacad ku maray in ay kasoo kaban doonan. Kentucky waa gobolkii uu 2016-kii ku guuleystay hogaamiyaha Mareykanka.

Murashaxiinta ugu cad-cad ee Trump kula baratamaya doorashadda soo aadan e Madaxtooyada ayaa kala ah; Joe Biden iyo Elizabeth Warren, kuwaas oo ololahooda karaar-siiyey bilooyinkii u dambeeyay.

Guusha Soomaalida

Nadiya Maxamed, oo 23-sano jir ah, ayaa kusoo baxday xubinnimadda Golaha Deegaanka ee magaalada St Louis Park. Bisha soo aadan ayay si rasmi ah uga qalin-jebin doontaa Jaamacadda.

Guusheeda ayaa ka dhigan in ay noqon doonto qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah kana soo jeeda Soomaaliya ee heerkaas gaara.

"Daacadnimadeyda iyo garab istaaga dadkeyga halkaan ayaan guushaan ku gaarey," ayaa laga soo xigtay Naadiya.

Geesta kale, Cabdisalam Aadan ayaa isna wuxuu ku guuleystay in uu kamid noqdo Golaha degaanka magaaladda Fridley ee gobolka MN.

Safiya Khaalid ayaa kusoo baxday golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Utah. Haweenaydii ugu horeysay ee Soomaali ah ee ku biirta ayay noqoneysaa.

Soomaalida dalka uga qaxay colaado ayaa dalalka caalamka gaar ahaan reer Galbeedka ka helay fursado ay ku dhex-galaan bulshadda, waxaana taas ay u sahashay in ay qabtaan xilal waaweyn oo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM