Trump iyo Hillary oo guuleystay, Bush oo haray

Image

Xoghayihii hore arr. dibadda Maraykanka Hillary Clinton oo ah musharraxa madaxtinimada xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku guuleystay doorashada dimoqraadiga ee gobolka Nevada.

Hillary Clinton ayaa ka adkaatay Senator Bernie Sanders, waxayna heshay 52% codadka dimoqraadiga, halka Sanders uu helay 48%.

 Gobolka South Caroline, musharraxa Donald Trump ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay doorashada isreebreebka xisbiga jamhuuriga, isagoo helay in kabadan 32%, waxaana kaalinta labaad galay Senator Marco Robio, halka uu kaalinta saddexaad galay Senator Ted Cruz. 

Musharraxa Jeb Bush oo ay walaalaha yihiin madaxweynihii hore George Bush ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka doorashada madaxtinimada, kadib markii uu ku guuldareystay inuu kaalin fiican ka galo doorashada South Caroline.

VOA

Related Articles

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM