Trump oo baaq kasoo saarey dadka Covid-19 ugu dhimanaya Mareykanka

Image

NEW YORK, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qiray suurtagalnimada in ay kordhi karto tirada dadka uu Coronavirus ku dilay gudaha wadankiisa, wallow uu codsaday in la baajiyo.

Isagoo wariyeyaasha la hadlaya, Trump ayaa tilmaamay in uu "shaqo fiican" u aqoonsan doono hadii lagu guuleysto in dadka uu Mareykanka ku laayey xanuunkaas aysan ka badan kun ruux.

Mareykanka ayaa ah dalka soo wariyey kiisaska ugu badan ee Covid-19, waxayna haatan ka badan tahay laba boqol oo kun.

"Hadii maamulkeyga ku guuleysto in dhimashada aysan ka badan 100-kun, waxay noqon doontaa shaqo wanaagsan, waxaana rajeynayaa in taasi dhacdo," ayuu ku nuux-nuux saday Donald Trump.

Dhanka kale, Trump ayaa wuxuu kordhiyey mudada sharuucda dadka fareysa in ay kala fogaadaan si looga hortago faafitaanka.

Bisha April ee sanadkan 2020 gaar ahaan 30-keeda ayuu tilmaamay in ay soo gabagabi doonto mamnuucista ku aadan in dadku isu soo dhowaadaan marka ay yeelanayaan kulamo daruuri ah.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa wuxuu ku jiraa liiska wadamada uu sida ba'an u aafeeyay xanuunka, kaasoo uu hogaaminayo Talyaaniga oo illaa iyo haatan uu ku galaaftay in ka badan tobban oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM