Trump oo magacaabay lataliyihiisa cusub ee arrimaha amniga

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Arbacadda maanta ah waxa uu magacaabay lataliyihiisa cusub ee arrimaha ammaanka.

Robert C. O’Brien oo jagadaasi loo xushay ayaa wuxuu bedeli doonaa John Bolton. Trump wuxuu sheegay in uu eryay Bolton oo ku doodaya in uu is-casilay.

O’Brien, oo caan ka ah siyaasadda Mareykanka, ayaa wuxuu haatan yahay Ergayga gaarka ah ee Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha la xiriira Afduubka.

"Waxaan Robert lasoo shaqeeyay waqti dheer oo adag. Shaqo wanaagsan ayuu qaban doonaa," ayuu Twitter-ka soo dhigay Trump.

Magacaabida ayaa kusoo aadeysa iyadda oo O’Brien uu kamid ahaa shaqsiyaadka aadka loogu saadaalinayey in ay booskaasi qaban doonan.

Lataliyaha cusub ayaa waxa uu sidoo kale yahay qareen heer sarre ah, kaasi oo la shaqeeyay dowladda si madax banaana ugu xamaashay.

Warbaahinta caalamka iyo kuwa maxaliga ah ayaa tabineysa in Bolton iyo Trump ay isku qabteen arrimo ay kamid tahay wada hadaladda Taliban iyo xiisadda Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia.

  • Caalamka

    19-05-2026

  • 08:51AM

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM