Trump oo shuruud ku xiray in haweenka ay Ilmaha iska soo ridaan

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyaha Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sharci gobolo badan laga meel-mariyey oo mamnuucaya in haweenka ay iska soo ridaan Ilmaha kahor inta aysan dhalan.

Donald Trump ayaa si wayn u taageeray xeerkaasi, kaasi oo xiisad meel sareysa mareysa ka dhaliyey qaar kamida dowlad goboleedyadda Mareykanka.

Mr Trump ayaa sheegay in dumarka ay Ilmaha iska soo ridi karaa markay wajahaan saddex xaaladood oo kala ah; kufsi, caruur ku timid xiriir saaxiibtinimo iyo xaalad halis ah oo ay hooyadu wajahdo.

Lama ogga waxa mowqifka Trump uu ka bedeli doono xasarada sii xoogeysanaysa ee ka dhalatay mamnuucista xeerkaasi oo gobolada laga dhaqan-geliyey uu kamid yahay midka lagu magacaabo Alabama.

Isu soo bax lagu taageerayo hindisahaasi ayaa la filayaa in uu maanta qabsoomo xili dadka taageersan ay rajo ka qabaan in maxkamada ugu sareysa Mareykanka ay ayidi doono sharcigaasi.

Dhanka kale, gobolo kale oo gaaraya lix iyo tobban ayaa dhankooda lagu waramayaa in ay diyaarinayaa in ay xayiraadyo kusoo rogaan Ilmo iska soo ridista oo sanadihii dambe aad ugu badneed Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM