Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Image

Tehran, June 21 — Ugu yaraan 430 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka in ka badan 3,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarada Israa’iil ee gudaha Iran tan iyo June 13, sida uu sheegay warbaahinta dowladda Iran ee Nour News, oo soo xiganaya Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

Warbixin kasoo baxday hay’adda Human Rights Activists News Agency (HRANA), oo fadhigeedu yahay Mareykanka kana shaqeysa dabagalka xuquuqda aadanaha ee Iran, ayaa sheegtay in tirada dadka la dilay ay gaartay 639, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare oo milatari iyo saynisyahanno ka shaqeynayay barnaamijka nukliyeerka Iran.

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

Xiisadda iyo dagaalka ayaa cirka isku shareeray, iyadoo beesha caalamka ay walaac xooggan ka muujinayso suurtagalnimada dagaal ballaaran oo ka qarxa gobolka Bariga Dhexe ah, hadii Mareykanka kusoo biiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM