​Camay "Ciddii dood qabta anaga hanasoo hor-fariisteen" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku tagay Muqdishu, arrimo ku aadan ammaamka Puntland gaar ahaan Bosaso iyo abaaraha ka jira dalka Somalia.

Camay oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe, ayaa ugu horrayn ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Bosaso, wuxuuna tacsi u diray mas'uuliyiintii kooxaha dhagar qabayaasha ah ku dileen degmadaas todobaadyadii lasoo dhaafay, isagoo xusay in xalay la sameeyay howlgallo lagu soo qab-qabtay dad dhaawac ah iyo ku bad-qaba oo aysan xaqiijin karin inay yihiin kuwii ka dambeeyay dilalkii dhacay, balse ay ku socdaan baaritaano uu sheegay inaysan ka hordhici dooni, kuwaasoo uu tilmaamay in dhawaan sharciga lasoo taagi doono.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyay warar warbaahintu aad u tabisay oo ku aadanayd kulamo uu ku yeeshay magaalada Muqdishu gaar ahaan qoraal uu ku saxiixnaa kaasoo ay gudbiyeen mas'uuliyiin kasoo jeeda beelaha Waqooyi oo ay kaga cabanayeen wax qaybsiga Somalia ilaa 1960-kii.

Wuxuu beeniyay inay jiraan wararka saxaafaddu qortay, inkastoo uusan si cad u kala sheegin inuu lahaa saxiixa warqadda ku yaallay islamarkaana uusan faah faahin ka bixin qoraalkaas la gudbiyay, wuxuuna badalkeeda sheegay inay raadiyeen xuquuq ka maqnayd Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Mas'uulkan ayaa sidoo kale baaq u diray dad uu sheegay inay tabasho qabaan, kuwaasoo ugu yeeray inay horyimaadaan oo ay wax ka weydiiyaan arrimaha mugdiga kaga jiro.

Dadkaas oo uusan carrab-baabin, ayuu u sheegay in qorshihii ay raadinayeen waxbadan kasoo qabsoomay islamarkaana mirahoodii la arkay taasoo ula jeeday xubnaha lagu siyaadiyay Aqalka Sare oo uu tilmaamay inay iyagu sabab u ahaayeen.

Camay, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday inuu la kulmay mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Somalia islamarkaana uu kala hadlay xaaladda waddanka iyo abaaraha jira inkastoo uusan marnaba meesha keenin inuu kala xaajooday waxyaabo kale.

Ugu dambay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa sheegay in arrinta abaaraha kala hadleen hay'ado ku sugan Muqdishu isagoo xusay inay wadaan qorshe dowladdu uga hortagayso abaaraha soo laab-laabtay, wuxuuna sheegay inay ka faa'iidaysan doonaan biyaha cirka ee inta badan togagu ku daraan Badda.

Hadalkan, ayaa yimid xilli sidaas si lamid ah uu u inkiray inuu qoraalkaas wax ka gudbiyay Saadiq Garaad oo kamid ahaa raggii magaciisa iyo saxiixiisa lagu qoray waraaqda cabashada, waxaana dadka badan su'aal galinayaan cidd wax saxiixday hadii iyagu ay beeniyeen iyo sababta ay ula hadli waayeen cidda ay ku tuhmayaan been abuurka.

Barlamanka Puntland ilaa hadda kama hadlin tallaabadan oo kasoo horjeeda dastuurka maamulkan u yaalla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM