Deni: Dilka madaxii P&O wuxuu naga hor-istaagay mashaariic

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xarunta ganacsiga Puntland ee magaaladda dekada leh ee Boosaaso.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay bulshada ayaa ka qabsoomay hoolka jaamacadda Bariga Africa, isagoona Madaxweynuhu u jeediyey khudbad taariikhiya oo koobsatay dharaarihii iyo dedaalka lagu asaasay Puntland, amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo wadajirka shacabka iyo dowladda.

“Waxaan rabaa inaan si guud uga warbixiyo xaaladda uu dalku marayo, waxaa Alle mahaddiis ah in sandkii 21-aad ay ku jirto Puntland, mudadii la’aas aasay kadib dalkeenu waxaa uu soomaray taariikh aad u dheer, Maamulkii ugu horeeyey Puntland waxa uu ahaa Alle ha’unaxariistee Maxamed Abshir maamulkaas waxaa uu isku bedelay maamulkii SSDF".

"Intaas kadib siyaasiyiintii iyo bulshadii waxay garteen in ay dhistaan Dowlad, dowladdaas oo ah dowladda aan maanta harsanayno oo laba qodob saldhigeedu ahaa in midnimadii Soomaaliya la ilaaliyo iyo dalka nidaam Federaal ah oo kaliya lagu dhisi karo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si mug weyn ugu dheeraaday isbedelkii shacabka Puntland ay u riyaaqeen ee ka dhacay Puntalnd 08 Janaayo 2019”

“Xukuumaddan 08 Janaayo 2019 doorashooyinkii ka dhacay Garoowe oo isbadalka maamul uu ku yimid, waxaa runti mudadaas aad si dhow ula socoteen isbedel ay dadku daneenayeen, waxaan rajaynaynaa in aan ka dhabayno isbedelka ay doonayeen shacabka," ayuu yiri Madaxwaynaha.

Ugu dambeyn, Deni oo aad uga hadlay amaanka magaalada Boosaaso ayaa xusay in ay ka go’antahay sidii loo soo celinlahaa maqaamkii iyo amaankii xarunta ganacsiga Puntland oo ah meel halbowle u ah dadka reer Puntland.

Isaga oo si gaar ah u dul-istaagay dilka bishi Febraayo loogu geystay magaalada madaxii shirkada P&O ee hoostaga DP World ayuu carabku adkeeyay in ay Puntland ku waysay mashaariicyo horumarineed oo balaaran.

Balse waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ku dadaali doonto xukuumadiisa sidii ay u soo celin lahayd mashaariicyadaasi oo uu ku nuux-nuux saday in ay ka qayb-qaadanayaa horumarka degaanada Puntland.

Amniga degaanada Puntland gaar ahaan Boosaaso ayaa xumaaday mudadii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaasi taasi oo ka dambeysay qorshe la’aan iyo musuq-maasuq lagu sameeyay lacagihii loo qorsheeyay amaanka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM