Deni oo gaarey Waaciye, lana kulmay maamulka iyo odayaasha dhaqanka

Image
Image
Image
Image
Image

WAACIYE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti baaldhan oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Degmada Waaciye ee Gobolka KarKaar.

Madaxweynaha oo saaka kasoo kici timay degmada Qardho ayaa ku soo hakaday magaalada Xiddo oo uu kusoo salaamay Xaaji Xuseen Gacayte oo ah odayaasha ugu waaweyn ganacsatada Puntland, caana ka ah mandaqadda Gobolka Barri.

Madaxweyne Deni iyo Waftigii balaadhnaa ee la socdey ayaa soo gaaray degmada Waaciye, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey maamulka degmada kan gobolka, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntlaland iyo boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Waaciye, waxaa uu Madaxweynuhu ka mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa ee shacabka Waaciye.

"Waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa maamulka degmada iyo shacabka Waaciyo sida diiran ee ay noosoo dhoweeyeen iyadoo ay tahay maalin jimce ah oo salaaddii jimce ay soo dhowdahay, waxaan Alle ka rajaynaynaa madar khayrqaba ummaddiisa u shubo isagaa wax walba deeqsiin kara eh, runtii waxaan aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee dadka reer Puntland ugu hawlan yihiin inay nabaddooda ka shaqeeyaan, inay horumarkooda ka shaqeeyaan inay wadada horumarka cagta saaraan"

"Dowladdan ahmiyaddeeda koowaad, labaad iyo sadexaadba waa sugidda nabadgelyada, dhismaha ciidanka, qaabaynta iyo dib u habaynta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, waxaan rajaynayaa haddii aan gacan idinka helno in nolosha dadkeena tabaalaysan wax iska bedelidoonaan, shaqooyinkii, xuriyaddii, ganacsigii iyo isu socodkii ay soo noqondoonaan" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tilmamaay in cadawga dadka rayid ka ah dhibaataynaaya ay sabab u yihiin cadho Alle oo sababi karta abaarta baahsan ee dadkeenu la tabaalaysan yihiin, Madaxweynaha ayaa fariin adag u diray shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso, waxaana uu ku booriyey inay ka dhiidhiyaan haldoorkooda maalin walba ay dhibaataynayaan argagixisadu, iyagoo isku duubanna ay dowladdooda la shaqeeyaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray cisbitaalka weyn ee degmada Waaciye, Maamulka cisbitaalka ayaa goobjoog ahaa, Madaxweynaha ayaa ku booriyey shaqada wanaagsan ee ay u hayaan Bulshada, isla’markaana u balan qaaday in baahiyaha cisbitaalka si dhow wax looga qabandoono.

Geesta kale, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay Maamulka degmada Waaciye iyo odayaasha dhaqanka degmadaasi.

Kulankan uu Madaxweyne Deni la qaatay maamulka degmada Waaciye iyo odayaasha dhaqanka ayaa daaranaa is xogwaraysi guud, dardaaran iyo duco, waxaana ka warbixiyey kulanka duqa degmada Waaciye Isxaaq Cali Xasan

"Soo dhawayn ka dib Madaxweynuhu wuxuu shir la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka shirkaas waxay dadka deegaanku ku sheeganayeen baahida degmada ka jirta wixii u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin balanqaadyadii dowladdii hore ay ka balanqaadeen dadka deegaanka oo marna fuli-waayey, shirka waxaa kaloo looga hadlay ammaanka sidii la iskaga kaashan lahaa shacab iyo dowladba xaaladda biyo la'aanta, waxay kaloo waxgaradku Madaxweynaha u sheegeen in ay dadka deegaanka iskaa wax u qabso degmada ku horumariyeen lana doonayo in gacan lagu siiyo inta dhiman"

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM