Deni oo ka hadlay shirka Dhuusamareeb iyo khudbadii Farmaajo

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa rabta in xal siyaasi ah looga gudbo qalalaasaha ku xeeran doorashada Soomaaliya maadaama ay jiraan caqabado diidaya qof iyo cod, sidda uu sheegay Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya oo erayadaas ka dhawaajiyey markii uu maanta dib ugu laabtey Garowe kadib socdaalkiisa Jabuuti ayaa sidoo kale ka hadlay shirka Dhuusamareeb 3.

Mar uu soo hadal-qaadey doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya la qorsheeyay in ay ka dhacaan 2020-21 ayuu rajeeyay in ay ku dhacaan "sidda ugu haboon".

Puntland ayuu sheegay in ay tashi la leedahay isbedelada dhacay kadib shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay kamid tahay riditaanka ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo in aan wali lasoo dhisin xukuumad cusub.

"Waxaan fileynay in mar hadii ay meesha ka baxdey xukuumadii Khayre lasoo magacaabo xukuumad kale oo shaqada sii wada, waxaa muuqaneysa in aan dhinacaas la aadin dhinacyo kalana la aaday; runtii arrintaas way ka tashaneysaa," ayuu u sheegay wariyeyaasha.

Hadal-jeedintii Farmaajo ee baarlamaanka oo uu qeexay "in uu ku bayaanin hadalo badan ay u baahan tahay in si taxadar leh loo eego". Qodobada waxaa kamid ah in uu wali ku taagan yahay qof iyo cod.

"Dabcan, annagu waxaanu aaminsaneyn in mar-xaladihii hay'addaha sharciga ah ay gabaabsi yihiin, wadadihii sharciga ahayd oo saxda ah la gaari waayey, qof iyo cod Puntland ma diidana qof Soomaaliyana ma diidi karo maxaa yeelay dastuurka ayay ku qoran tahay laakiin waxaa qof walba qiraayey mudada xileedka harsan iyo baahida loo qabo in qof iyo cod la gaaro in ay adag tahay, taasna waxaa caddeeyay guddoomiyihii doorashooyinka oo si cad u sheegtay in mudada xilka harsan aysan ku qaban karin," ayuu cod dheer ku sheegay.

Maadaama caqabadaas iyo kuwa kale ay jiraan, heshiis siyaasadeed oo looga gudbo nooca doorashooyinka soo aadan ayuu soo jeediyey isla markaana dowladda Puntland ay mowqifkaas leedahay.

"Sideedaba xalka sharciga ah markuu adkaado ayaa xalka siyaasiga ah yimaadaa," ayuu saxaafada magaalada Garowe ku yiri kadib safarkiisa Jabuuti.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo dib uga dhacay in uu furmo 15-ka August qorshuhuna ahaa in ay ku kulmaan madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayuu Deni soo bandhigay mowqifka Puntland.

"Shirka Dhuusamareeb ka qabsoomaya, sidda ka muuqata hadaladii madaxweynaha, waxaa muuqaneysa in taladii dalka baarlamaanka u taalo, baarlamaanka laga sugayo, isaga uu go'aan ka gaarayo; Puntland marka xal siyaasi oo dhaba uu jiro diyaar bey u tahay in ay qeybteeda ka qaadato xalka siyaasiga ah; hadii sharci jirana; sharciga ayay u hogaan-sami doontaa hadii uu Ilaahey idmo; hadii ay aragto wax sharciga khilaafsan ama ay u aragto in sharciga la baalmarayana oraahdeeda ku haboon ayay oraneysaa waqtiga ku haboon," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan hogaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa ku sugan Dhuusamareeb, halkaasoo ay ku sugayaan madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo aan gaarin.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM