Dowladda Puntland oo ka hortageysa halista cudurka EBOLA
Sabti 18 October,2014 [GO]- Wasaradda Caafimaadka ee Puntland ayaa markii ugu horaysay maanta shaacisay inay ka hor tagayso halista uu leeyahay cudurka dilaaga ah ee Ebola oo faro kulul ku haya galbeedka Africa.
Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in guddi heer qaran ah oo ay iska kaashanayaan wasaradda caafimaadka Puntland iyo tan Dowlada Federaalku soo diyaarinayaan qorshe cudurkaas looga hortagayo si uusan Somalia usoo gaarin.
Agaasimuhu wuxuu intaas raaciyey dhowr jeer oo hore inay baaqyo u direen Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) kaasoo cadeeyay inuu ka caawin doono Puntland iyo DFS sidii qalab casri ah loo dhigi lagaa baraha socdaalka sida garoomada diyaaradaha, dekadaha iyo baraha kaantaroolada si cudurkaas looga hortago.
Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay calaamadaha lagu garto qofka qaba cudurka Ebolo inay tiro badan yihiin balse ay inta awoodooda ah ka hortagi doonaan.
''Cudurka Ebola wuxuu lee yahay calaamado faro badan waxaa ka mid ah qandho aad u tiro badan,jirka oo faruucu kasoo yaaco, madax xanuun, qufax joogto ah iyo tabarta oo aad u hoosaysa''.
Ebola ayaa qaar ka mid ah dalalka ku yaala Galbeedka Africa faro ba'an ku haya, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka waxaa u dhintay in ka badan saddex kun oo qof oo siyaabo kala duwan uu cudurkaasi u haleelay.
Warsidaha GO ayaa maalintii shaley 17 Oct, 2014 warbixin ka qorey khatarta cudurka Ebolaha iyo sida loogu baahan yahay in Wasaarada caafimaad Puntland uga digto shacabka. Halkan ka akhri
GAROWE ONLINE