GAAS: DF ayaa faragelin ku heysa doorashada Puntland, oo Camey u adeegsanaysa

Image

GAROWE, Puntland - War-Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaadey ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa eedeyn culus loogu jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Villa Somalia ay faragelin iyo khal-khal siyaasadeed ku heyso doorashada maamulkan, iyadoo u adeegsanaysa Madaxweyne ku xigeenka.

Cabdiweli Gaas ayaa ku xigeenkiisa, Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ku eedeeyay inuu meel iska dhigay mas'uuliyadii uu u hayay Puntland, islamarkaana ka doorbiday danno u gaar ah iyo fulinta awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasiloonida, oo laga soo faray Muqdisho.

"Waxaa xaqiiqo ah in Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu in muddo ah uu meel iska dhigay mas'uuliyadii uu u hayay dowladda Puntland, kana doorbiday danno gaar ah iyo fulinta awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Puntland, lagana soo farayey Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka.

Gaas iyo Camey ayaa dhawaan isku qabtey magacaabida guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Puntland, oo hadd soo xulistooda socoto.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiiradda Puntland oo meelmariyey xeerar cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha xukuumadda.

  • Puntland

    10-06-2021

  • 03:07PM

Shir laga yeeshay doorashada qof iyo cod ee Puntland

Shirkan TPEC iyo Hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin ayaa la sheegay in bishiiba mar la qaban doono.

  • Puntland

    10-06-2021

  • 02:58PM