Gaas: "waan soo dhoweyneynaa kulanka Xasan Sheekh iyo Siilaanyo"

Image

December 21, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu soo laabtay Garowe kadib mudo asbuuc ah oo dalka Ethiopia uu socdaal shaqo u joogey ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo kulanka dalka Jabuuti ku dhex maray Maaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Gaas oo ka jawaabayey su'aal Radio Garowe weydiisey xilli uu maanta shir-jaraa'id ku qabtey maxaxtooyada, wuxuu sheegay in Puntland soo dhoweynayso wax walba oo maslaxadda dalku ku jirto haseyeeshee aan wax u dhimeyn danaha iyo jiritaanka Puntland.

"anagu Soomaalidu haday isu soo dhowaaneyso oo wada hadleyso oo wada fariisaneyso mar walba waan soo dhoweynaynaa, waajib weeye dalka in laysku hayo Soomaalina ay wada hadasho, waa wax wanaagsan oo loo baahan yahay...hadii waxa laga wada hadlayaa taabanayo masiirka Puntland kolley waan ogaan doonaa waxa kasoo baxa anaguna markaas taladayada iyo go'aamadayada ayaan yeelan doonaa" ayuu yiri.


Shaqo-joojinta shaqaalaha maxkamadaha Puntland:

Madaxweynaha waxyaabihii wax laga weydiiyey waxaa kamid ahaa waxa uu kala socdo shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha maxkamadaha gobollada Puntland kadib markii mudo saddex bilood ah aan wax mushahar ah la siin.

Gaas ayaa sheegay inuusan arrintaas waxba kala socon maadaama uu dalka isla maanta kusoo laabtay. Marka uu sidaas lahaa waxaa Madaxweynaha barbarkiisa fadhiyey Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax oo ka dhinac sheegay in la bixiyey mushaharaadka shaqaalaha maxkamadaha.

" waxba kama ogi, kama war hayo arintaas, hadda ayaan wadanka soo galay,  waan arkeynaa" Gaas ayaa yiri.

Halwadeenada garsoorka Puntland ayaa maalintii afraad shaqo joojin ku jira iyagoo sheegay inay sii wadayaan ilaa iyo inta xuquuqda ka maqan laga siinayo.

Waxyaabaha usoo qabsoomay:

Isagoo ka warbixinayey wayaabaha usoo qabsoomay muddadii todobaadka ahayd ee uu dalka Itoobiya ku sugnaa iyo weliba waxyaabihii uu madaxda dalkaas kala soo hadlay, wuxuu sheegay in dhammaan kulamadu guul iyo is afgarad kusoo dhamaadeen qodobada laga wada hadlayna ugu muhiimsanayeen sidii Puntland iyo Ethiopia iskaashi fiican uga yeelan lahaayeen sugidda ammaanka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ganacsiga labada dhan ayuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan laysugu furi doono arintaasoo sida Madaxweynuhu ku celceliyey faa'iido dhaqaale oo baaxad lihi ugu jirto Puntland iyo Ethiopia labadaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM