Gen. Muxiyaddiin oo si diirran Garowe loogu soo dhoweeyey [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

July 15, 2015 (GO)- Taliye Ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Taliyihii Hore ee Ciidamada Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdi-yare ayaa goor dhow magaalada Garowe soo gaarey.

Boqollaal dadweyne ah ayaa saraakiishan kusoo dhoweeyey tuulada 22aad, waxaana intaas kadib loo soo gudbiyey labada guri ee ay magaalada Garowe ka deggen yihiin.

Gen. Muxiyadiin oo si kooban war-baahinta ula hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta isaga iyo Cabdi-yare xilligan Garowe u yimaadeen.

Wuxuuna sheegay inay soo ajiibeen codsi uga yimid isimmada Puntland, Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jubaland, codsigaas oo ku aaddanaa inay Garowe soo galaan, si loo sii ambaqaado dadaallada nabadeynta ee todobaadyadii lasoo dhaafay socdey.

Mar la weydiiyey su'aal ahayd "Makuu qorsheysan tahay inaad la kulanto Madaxweyne Gaas?" Wuxuu ku jawaabay 

"kolley hadda qorshaha taasi kuma jirto, laakiin waa suurogal inaan is aragno"

Su'aaal kale oo ahayd "Garowe masii joogeysaan mise dib ayaad u noqoneysaan?" Wuxuu iyadana kaga jawaabay

"taas hadda kama hor dhici karo...inaan joogno ama dib u laabano waxay ku xiran tahay waxa ka soo baxa kulanka aan la qaadan doonno madaxda iyo isimmada"

Muddo labo bilood ku dhow waxaa deegaanka Qarxis ku sugan ciidamo boqollaal gaaraya oo sida ay sheegeen ka gadoodey xuquuq la'aan. Ciidankan waxaa hoggaaminaya Taliye Ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Taliyihii Hore ee Ciidamada Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdi-yare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM