Gudoomiyihii hore ee Nugaal oo ka hadley xil ka qadista [Dhageyso]

Image

GAROWE Feb 1,2015 [ GO]- Gudoomiyihii horre ee Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali "Bumbo" ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda Garowe waxa uu kaga hadlay sida uu arko in xilka laga qaado isaga oo howlo shaqo u tagay maalmo ka hor dalka dibadiisa .

Bumbo ayaa sheegey inuu soo dhaweynayo xil ka qaadistiisa islamarkaana u hambalyeynayo gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw axmed.

Waxa uu sheegey isagoo ku faraxsan in xilka laga qaadey balse ku wanaagsanayd in isaga oo jooga dalka laga qaado  si uu u wareejiyo masuuliyadda iyo shaqada maamulka Gobolka Nugaal.

Cabdiqani Xaashi Buumbo ayaa ka gaabsadey inuu ka jawaabo sababta madaxweynaha Puntland xilka uga qaadey isaga oo wadanka ka maqan isagoo xusey in Dastuurka u taalo islamarkaana ku qanacsan yahay shaqada laga qaadey.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa tan iyo intii uu la doortey sadex wareegto ku soo saarey isku-badalka maamulka gobolka Nugaal.

Dhageyso Gudoomiyahii hore ee Nugaal oo la hadlay Radio Garowe

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM