DHAGEYSO: Juxa oo ku baaqey in Daljir la furo, baaqna u direy Barlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirkii hore ee waxbarashada ee Puntland Cabdi Farax Juxa oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Daljir ayaa ku tilmaamey dhaqan cusub oo Puntland aan laga aqoon hadalkii wasiirkii warfaafinta xukuumada Madaxweyne Gaas dilka ugu hanjabey saxafiyiinta ka howlgasha Puntland.

Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa sidoo kale ku tilmaamey arin la yaab ah in xiritaanka Idaacada intaas sii socdo isagoo ku tilmaamey wax laga xumaado in 18 sano kadib xiligii loo dabaaldagi lahaa qaan gaarka Puntland dib ugu noqoto halkaas.

" Waxaa la yaab leh xiritaanka Idaacada oo intaas socota wax Isa-soo taraya weeye, waana nasiib daro runtii aan la fileyn 18 sano xiligii loo dabaaldagi lahaa qaan gaarkii Puntland iney maanta halkaas sidaas ugu noqoto wax laga filayey dowlada Cabdiweli iyo dowlad kasta oo Puntland joogta ma aheyn, waxaan u rajeyneynaa maamulka talada haya in si deg deg ah arimahaan u wajaho xorriyadana u fasaxo, shacabkana u ogolaado in xiligaan adag oo kala guurka oo dadku su'aalaha badan ka qabaan waxyaabaha kala gadisan ee dhaqaalaha, siyaasada iyo amniga inta-ba ah in aan dadka la caburin oo dadku wax is-waydiiyaan baan iyadana ugu baaqeynaa" ayuu yiri Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cabdi Farax Juxa.

Wasiirkii hore ee Puntland Juxa oo la waydiiyey jabinta xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas qodobka 22aad ee Dastuurka kaasoo sheegaya in saxaafada ka madax banaan tahay faragalin dowladeed ayaa yiri; " Walaahi wax lagu sababeyn karo ka jiraan, wax lagu fasari kaaraana ka jiraan, waxaa la oran karaa waa dowlad taraaraxdey oo gabtey halkii laga filayey iyo ilaalintii wixii loo doortey intaba, weynu aragney waana dhageysaney hadalka wasiirka waxaan sugeynaa jawaabta madaxweynaha." 

Juxa oo wareysigii Idaacada Daljir weli ku guda jira ayaa sheegey in loo baahan yahay doorka Barlamanka Puntland wax la iska waydiiyo waxaana uu yiri: " Arin kale oo la yaab leh ee loo baahan yahay in wax la iska waydiiyo waxaa weeye mudanayasha Barlamanka oo ah dadka iyagu u dhexeeya shacabka iyo xukuumada oo runtii dhaliilaha badan oo jira ay tahay in iyagu wax iska waydiiyaan iyaguna aad moodid iney aamusan yihiin taasoo sababtey isu dheelitirka xukuumada iyo sharciyada meesha ka baxdey taasoo loo baahan yahay in si wacan wax la isaga waydiiyo, media waxaa fiican iney u gudbiyaan warqad qoraal ah oo waxa Wasiirka ku goodinayo uu leeyahay  waa Dastuurkii, Dastuurkana cidda ilaalineysey Barlamanka ayey ahaayeen, marka halkaas su'aal aad muhiim ah u ah ayaa kasoo baxeysa Barlamanku ma haystaan shaqadiisii, waa su'aal aad muhiim u ah oo looga baahan yahay in shacabku is-weydiiyo Laakiin waa maalin madow oo nasiib daro ah, waana maalin aan la fileyn waxaan ugu baaqeynaa oo kaliya in Dowladu ku baraarugto khataraha jira Idaacada iyo saxaafada fasaxdo oo ogolaato in dadku wax ka waydiiyaan siyaasadaha jira, hadii Dowladu isu aragto iney saxan tahay dalka dhinaca ay u wado sax tahay ay ka jawaabto si hufan oo xaq loogu leeyahay iska difaacdo laakiin in qori dadka madaxa ka saarto oo ugu hanjabto tiraahdo waa idin tooganayaa sharcina ma jiro wax la yaab leh weeye, waa hoos u dhac aad u weyn oo lama filaaan ah, Prof. Cabdiwelina waxaan rajeyneynaynaa in arinkaan si deg deg ah wax uga wax ugu qabto." 

Wasiirkii hore oo la waydiiyey ugu dambeyntii in wariyaasha cabsi daremayaan ayaa ku sheegey iney taasi khasab tahay mar hadii Wasiirkii ugu sareeyey dalka leeyahay sharci ma aqoonsani waxaa lagu kala joogaana waa sharci, marka hadii dowladii leedahay sharci ma jiro waa la cabsanayaa.

Juxaa ayaa sidoo kale xusey in dadka Puntland Halgan dheer soo mareen dhismaha maamulkaana  ku yimid dhagxaan la Isa saarey arinkaan maanta dhaceyna tahay maalmo taariikhdeeda kamid ah, dadkana hadii sidaas loo caburin karo waxyaabo badan oo kale ayaa la isku caburin lahaa, talabadaan waxa kaliya oo ay hanjabineysaa dadkii halganka dheer soo galey iyo dadkii waqtiga iyo naftaba u soo hurey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM