​Kalfadhi aan caadi ahay oo Barlamanka Puntland u furmaya

Image

GAROWE- Kalfadhi aan caadi ahayn ayaa u furmaya Barlamanka Puntland oo ku jira fasax, kaasi oo looga doodi doono arrimo kala duwan oo khuseeya siyaasadda Puntland iyo arrimaha bulshada.

Fadhigan ayaa furmaya maalinta Sabtida ee fooda nagu soo haysa, waxaana diiradda lagu saarayaa ansixinta guddiga doorashooyinka Puntland ee dhawaan magacaabeen Madaxweyne Gaas iyo Afhayeenka golaha Shacabka Axmed Cali Xaashi.

Xildhibaan Maxamed Axmed Ibrahim oo la hadlay Radio Garowe, ayaa xaqiijiyay kalfadhigan, wuxuuna sheegay inay ku ansixinayaan guddigaas islamarkaana uga doodi doonaan siyaasad ku aadan tahriibta oo noqotay aafo saamaysay dhammaan umadda Somaliyeed.

Ibrahim, wuxuu sheegay inay ka xunyihiin dhacdooyinka soo noq-noqday ee ku wajahan dhalinta, wuxuuna tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii dhalinyaradoodu ku geeriyootay badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.

Mudanuhu, wuxuu eed u soo jeediyay siyaasiyiinta Somaliyeed oo uu ku dhaliilay eex iyo cadaalad xumo uu sheegay inay sabab u tahay hayaan da'yarta Somaliyed, wuxuuna ugu baaqay inay arrintaasi ka waantoobaan islamarkaana u damqadaan da'yartooda.

Qurba-joogta ayuu sidoo kale eedeeyay, isagoo sheegay inay u gacan haatinayaa dhalinyarada oo tusayaan nolol khiyaali ah.

Wuxuu soo jeediyay inay si aad ah u howl galaan ciidamada amniga iyo wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland isagoo faray inay gacan bir ah kusoo qabtay dadka masaafurinaya ubaxii dalka.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli ku dhawaad 200 oo dhalinyaro Somaliyeed ku geeriyoodeen badda Mediterranean Sea ee u dhaxaysa dalalka Talyaaniga iyo Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM