​Kalfadhi aan caadi ahay oo Barlamanka Puntland u furmaya

Image

GAROWE- Kalfadhi aan caadi ahayn ayaa u furmaya Barlamanka Puntland oo ku jira fasax, kaasi oo looga doodi doono arrimo kala duwan oo khuseeya siyaasadda Puntland iyo arrimaha bulshada.

Fadhigan ayaa furmaya maalinta Sabtida ee fooda nagu soo haysa, waxaana diiradda lagu saarayaa ansixinta guddiga doorashooyinka Puntland ee dhawaan magacaabeen Madaxweyne Gaas iyo Afhayeenka golaha Shacabka Axmed Cali Xaashi.

Xildhibaan Maxamed Axmed Ibrahim oo la hadlay Radio Garowe, ayaa xaqiijiyay kalfadhigan, wuxuuna sheegay inay ku ansixinayaan guddigaas islamarkaana uga doodi doonaan siyaasad ku aadan tahriibta oo noqotay aafo saamaysay dhammaan umadda Somaliyeed.

Ibrahim, wuxuu sheegay inay ka xunyihiin dhacdooyinka soo noq-noqday ee ku wajahan dhalinta, wuxuuna tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii dhalinyaradoodu ku geeriyootay badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.

Mudanuhu, wuxuu eed u soo jeediyay siyaasiyiinta Somaliyeed oo uu ku dhaliilay eex iyo cadaalad xumo uu sheegay inay sabab u tahay hayaan da'yarta Somaliyed, wuxuuna ugu baaqay inay arrintaasi ka waantoobaan islamarkaana u damqadaan da'yartooda.

Qurba-joogta ayuu sidoo kale eedeeyay, isagoo sheegay inay u gacan haatinayaa dhalinyarada oo tusayaan nolol khiyaali ah.

Wuxuu soo jeediyay inay si aad ah u howl galaan ciidamada amniga iyo wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland isagoo faray inay gacan bir ah kusoo qabtay dadka masaafurinaya ubaxii dalka.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli ku dhawaad 200 oo dhalinyaro Somaliyeed ku geeriyoodeen badda Mediterranean Sea ee u dhaxaysa dalalka Talyaaniga iyo Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM