Marxuumad Aamino Abiib oo Garowe aas qaran loogu sameeyey

Image

April 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta ka qeyb-galay aas-qaran oo qabuuraha magaalada Garoowe loogu sameeyey Alle ha unaxariiste marxuumad Aamino Abiib oo ahayd xaaska madaxweynihihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole.

Aaska waxaa sidookale ka soo qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire,wasiiro iyo xildhibaano katirsan dawladda Punttland, madaxweyne ku xigeenki hore ee Cabdisamad Cali Shire, Isimmo, waxgarad, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa u tacsiyeeyey madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole, dhammaan eheladii iyo shacabka reer Puntland oo ay ka baxday marxuumad Aamino Abiib oo ku geeriyootay maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

"anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynayaa eheladii ay ka dhimatay marxuumad Aamino Abiib gaar ahaana Madaxeweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed Faroole, Alle ha u naxariisto marxuumada samir iyo iimaan buuxana ilaahay haynaga siiyo" ayuu yiri.

Madaxweyne ku-xigeenka oo isna goobta ka hadlay ayaa marxuumad Aamino Abiib Alle uga baryey in janadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo qabrigana uu u waasicyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan shire ayaa sidookale isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumadda, waxaana uu alle uga baryey in dambigeeda uu dhaafo, meel wanaagsan oo aduunka uga kheyr roona uu geeyo.

 
IMG_4108IMG_4120IMG_4123IMG_4126 (1)IMG_4126IMG_4127IMG_4133IMG_4162IMG_4165IMG_4183

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM