Puntland oo bogaadisay guusha Ilhaan ee doorashooyinka Mareykanka

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.

Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna ku guuleystay degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda, Madaxweynaha ayaa ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM