Shirkada ku guuleystay wadooyin laga dhisayo Garowe oo la shaaciyay [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Duqa magaalo madaxda dowladda Puntland, Axmed Barre, ayaa warbaahinta usoo bandhigay shirkadda ku guuleystay 4 waddo cusub oo Laami ah, kuwaasi oo laga hir-gelinayo caasimad goboleedka Nugaal.

Shirkadda TTA, oo laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa ku guuleystay mashruucaan oo ay ku tartamaneen shirkado dhowr ah, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimaha dhismaha, ayna ku jiraan qaar maxali ah.

Bankiga Aduunka ayaa bixinaya lacagta lagu dhisayo wadooyinkaan cusub, oo la rajaynayo in qaabka loo naqshadeeyo ay wax badan ka duwanaadaan jidadka horey looga dhisay magaalooyinka Puntland.

Axmed Barre ayaa tilmaamay shirkadda TTA mid looga bartay in Jidadka ay dhisto ay ka tayo iyo cimri badan yihiin wadooyinka kale, oo ay hagaajiyaan shirkadaha kale, isaga oo rajeeyay inay jidadka cusub si fiican uqaabeyso.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Mr Axmed daboolka ka qaaday in dhismaha wadadaan ay wax badan ka bedali doonto bilacda magaalada Garowe, oo ay ku nool ku yihiin 570,578-kun oo Muwaadiniin ah.

"Wadooyinkaan cusub, mid kasta oo kamid ah, waxay yeelan doontaan biyo mareen iyo dad mareen..marka lagu meesha Laamiga ah…Hadii uu Alle idmana waxaa loo sameyn doonan Naleyn iyo Dhireyn,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhismaha 4-taan waddo ayaa la rajaynayaa inay yareyso ciriiri aad ubadan oo ka jira wadooyinka qaar ee caasimada rasmiga ah ee maamulkaan 20-sano jirka ah, oo 8-da bishaan la filayo inuu yeesho Madaxwayne cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM