Sirdoonka Puntland: "hawlgallo baahsan ayaan bilaabaynaa"

Image

November 20, 2014 (GO)- Hay'adda Sirdoonka Puntland (PIA) ayaa shaacisay inay dhowaan bilaabi doonto hawlgal balaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Agaasimaha Hay'adda Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garowe ayaa sheegay in dowladdu heshay xogo badan oo muujinaya khataro soo wajahan iyo dad ku hawlan sidii xasiloonida Puntland ka jirta ay u carqaladeyn lahaayeen.

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo soo gaarey Puntland kadib markii kooxda laga saaray deegaano badan oo ka tirsan koonfurta kuwaasoo xiligan si dhuumaaleysi ah ku jooga Puntland ayuu sheegay in si gaar ah hawlgalkaas loogu beegsan doono.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray dadweynaha isagoo ku booriyey inaysan gacansiin islamarkaana soo dhoweysan dembiileyaasha. Agaasimuhu wuxuu sheegay in ciddii lagu helo inay qof dambiile ah caawisay sharciga la horkeeni doono.

Arintan ayaa kusoo aadeysa labo maalmood kadib markii dabley hubaysan oon haybtooda la aqoonsani magaalada Gaalkacayo ku dileen Weriye Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM