Xeer-ilaalinta Puntland oo codsatay in xasaanada laga qaado Xildhibaan

Image

GAROWE, Puntland – Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa Arbacadda maanta ah waxay warqad culus u dirtay gudoonka Golaha Wakiiladda maamulkan.

Sidda ku xusan warqadda oo warbaahinta heshay, xeer-ilaalinta ayaa waxay codsaneysaa in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Cawil Xassan Daad.

Daad ayaa si gaar ah waxaa lagu eedeeyay in uu "hadal qadaf ah oo su’aal loo ekeysiiyey ka jeediyay furitaanka kalfadhigii 45aad".

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale wuxuu daboolka ka qaadey in uu qorsheynayo dacwad ay kusoo oogaan mudanaha.

Xildhibaanka iyo gudoonka Golaha ayaa illaa iyo haatan waxa aysan ka jawaabin ama ka falcelinta dalabkaan.

Sharcidejiyaha oo su’aasha waydiiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku saabsaneyd xaaladda guud ee degaanada Puntland.

Su’aashiisa ayaa ahayd: "Mudane Madaxweyne maadaama khilaafka adiga iyo Madaxweyne ku xigeenkaaga soo noq-noqday, oo uu yahay mashaakil dadka niyad xumo ku abuuray, soo adinlama haboona inaad xafiiska baneysaan, inta aannu baarlamaanka jawaab ka bixin dareenka bulshada".

Deni oo ka jawaabay su’aashan ayaa si adag u difaaay xukuumadiisa, isaga oo carabka ku adkeeyay in ay gaartay guulo waaweyn tan iyo markii ay xafiiska la wareegeen.

Gudoonka Golaha Wakiiladda gaar ahaan afhayeenka ayaa wuxuu mar sii horeysay beeniyay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya hogaanka sarre ee maamulkan.

Cawil ayaa kamid ahaa maamulkii Gaas, ee ku guul-dareystay inuu bixiyo mushaarka ciidanka taasoo horseeday gadood lagu qabsaday Bangiga Dhexe iyo xaruumo dowladeed oo uu kamid yahay Garoonka Diyaaradaha Garoowe.

MUUQAALKA XEER-ILAALINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM