Xildhibaan katirsan Barlamanka Puntland oo qarax lala eegtay

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Xildhibaan kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa goordhaweyd qarax lagula eegtay gudaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, xilli uu watay gaarigiisa.

Wararka aan ka helayno dad goob joogayaal ah oo la hadlay GO, ayaa sheegaya in Xildhibaanka Cabdulqaadir Farax Bootaan qarax loogu xiray baabuurkiisa isagoo kasoo baxay Hotel Clasic ee magaalada Galkacyo.

“Xildhibaan kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa mar dhaweyd qarax lala eegtay, isagoo saaran baabuurkiisa, waxaana lagu qarxiyay hotel Clasic agtiisa,”Sidaas waxaa GO u sheegay ruux goob jooge ah.

Mudanahan, ayaa wararku sheegayaan inuu soo gaaray dhaawac aad u culus iyadoo loola cararay cusbitalka guud ee magaalada Galkacyo.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso xararka Al Shabaab.

Qaraxan ayaa yimid xilli amniga Galkacyo uu muddooyinkii dambe aad u wanaagsanaa.

Xildhibaan Botan oo kamid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland kasoo gala dhinaca gobolka Mudug, ayaa ku jira Guddi nabad-galyada ee loo xil-saaray gobolkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM