Aas-aasihii maamulka Galmudug oo geeriyoodey

Image

NAIROBI, Kenya - Waxaa xalay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyoodey Maxamed Warsame Cali "Kiimiko", oo kamid ahaa siyaasiyiintii aas-aastay maamulka Galmudug, oo hadda kamid ah shanta dowlad goboleed ee ka dhisan Soomaaliya.

Eheladiisa ayaa xaqiijiyay geerida Mohamed Warsame Ali "Kiimiko", oo Madaxweyne kasoo noqday Galmudug intii u dhaxeysay 14 August 2006 – 14 August 2009. Marxuumka ayaa dhawaanahan ku xanuunsanayay Nairobi.

Kiimiko oo 82 jir ahaa ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii KMG laga soo billaabo midii lagu soo dhisay Carta, oo uu ka noqday Wasiirka Howlaha Guud iyo dowladdii uu hogaaminayay AUN C/llaahi Yuusuf oo ka qabtey xilka wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha 2006.

Kadib xorriyadii dalka 1960-kii, Kiimiko ayaa soo qabtey xilal diblomaasiyadeed, isagoo mar noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka sanadkii 1980-kii.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi u diray qrabaada Marxuumka ayaa ku tilmaamay Kiimiko mid u soo adeegay qaranka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM