Aas-aasihii maamulka Galmudug oo geeriyoodey

Image

NAIROBI, Kenya - Waxaa xalay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyoodey Maxamed Warsame Cali "Kiimiko", oo kamid ahaa siyaasiyiintii aas-aastay maamulka Galmudug, oo hadda kamid ah shanta dowlad goboleed ee ka dhisan Soomaaliya.

Eheladiisa ayaa xaqiijiyay geerida Mohamed Warsame Ali "Kiimiko", oo Madaxweyne kasoo noqday Galmudug intii u dhaxeysay 14 August 2006 – 14 August 2009. Marxuumka ayaa dhawaanahan ku xanuunsanayay Nairobi.

Kiimiko oo 82 jir ahaa ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii KMG laga soo billaabo midii lagu soo dhisay Carta, oo uu ka noqday Wasiirka Howlaha Guud iyo dowladdii uu hogaaminayay AUN C/llaahi Yuusuf oo ka qabtey xilka wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha 2006.

Kadib xorriyadii dalka 1960-kii, Kiimiko ayaa soo qabtey xilal diblomaasiyadeed, isagoo mar noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka sanadkii 1980-kii.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi u diray qrabaada Marxuumka ayaa ku tilmaamay Kiimiko mid u soo adeegay qaranka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:53PM

Dowladda Federaalka Oo Lagu Eedeeyay Kicin Colaadeed iyo Faragelin Siyaasadeed

Weerarka ayaa yimid xilli gobolka lagu daabulayay Abdirashiid Janan, oo horey u ahaa Wasiirka Amniga ee Jubbaland.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:28PM