Abshir Bukhaari oo Axmed Madoobe ugu hambalyeeyay dib-u-doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe ugu hambalyeeyay in dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland.

"Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweyne Axmad Maxamed Islaan "Madobe" oo maanta mar labaad loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland," ayuu yiri.

Abshir Bukhaari ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sareeyay ee ka tirsan xukuumadda Muqdisho oo taageero u muujiya doorashadda dowlad goboleedkaasi oo maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo.

"Waxaana u rajeynayaa in mudadiisa xilhaynta uu ku guuleysto waajibaadkiisa dastuuriga ah. Soomaaliya," ayuu hadalkiisa ku raaciyey qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Axmed Maxamed Islaam, oo 56-sano jir ah, ayaa ku guuleystay wareega koowaad ee coddeynta isaga oo helay codad gaaraya 56, waxaana murashaxii kusoo dhowaa uu helay 17 cod.

Kadib dhaarintiisa, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in uu fulin doono dhamaan qodobadii uu ku balanqaadey hadal-jeedintiisa dib u doorashada oo uu u mariyey baarlamaanka.

Madaxweynaha dib loo doortay ayaa waxaa horyaala shaqooyin dhowr ah oo u baahan wax ka qabasho iyo dhameystir, kuwaasi oo ay kamid yihiin xorreynta degaano iyo gulufka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland Ku Dhawaaqday Inay Noqotay Dowlad

Dowladda Federaalka kama aysan hadlin arrintan, oo kusoo beegmaysa xiisad soo bilaabatay Noofambar 2024.

  • Soomaliya

    08-12-2025

  • 06:13AM

Warbixin Sirdoon oo Turki ah oo ka digtay Xaaladda ka jirta Soomaaliya

Qiimeynta ayaa ku adkaysay in Ciidanka Xoogga Dalka uusan weli awoodin amniga dalka la’aanteed taageero shisheeye.

  • Soomaliya

    07-12-2025

  • 07:23AM