Aqalka Sare oo ka doodaya go'aankii Gollaha Shacab ka gaarey DP World

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah ka doodaya go'aankii Gollaha Shacab ay ka gaareen shalay Shirkadda DP World, ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka Aqalka Sare oo ah mid xasaasi ah ayaa dood kadib la la filaya in Gollaha Shacabka ay ku raacaan ama ay ku diidaan qaraarkii uu uga mamnuucay DP World inay dalka kasii wado howlaha mashariicda maalgashiga dhanka dekedaha.

Xunbaha Aqalka Sare, oo wakiillo ka ah dowlad goboleedyada dalka ayaa suurta-gal ah in ay wax ka bedel ku sameeyaan go'aanka kasoo baxay Gollaha Shacabka, kaasi oo dhaawacaya xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Hadii uu ka gudbo qaraarkan Aqalka Sare, waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Farmaajo oo saxiixiisa ku dhaqan-galayo, iyadoo lagu soo saarayo faafinta rasmiga ah ee Xafiiskiisa.

Ka doodista Kiiska DP World ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ay ku wajahan yihiin Todobaadka soo socda dalka Qadar, oo xiriirka ay u jareen Sacuudiga iyo Imaaraadka. Halkan ka akhri.

Somaliland ayaa si adag uga hortimid go'aanka dowladda Federaalka ee ku aadan Heshiiska Dekedda Bebera ee ay la gashay DP World, kadib markii Baarlamaanka maamulkiisa uu meel-mariyay sanadkii 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM