Askari lagu eedeeyay dilka Somali-Canadian oo maxkamad lasoo taagayo

Image

TORONTO, Canada – Sarkaal ka tirsan bileyska magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa qorshuhu yahay in 6-da bisha July sanadkan 2020 uu kasoo muuqdo maxkamad isagoo loo haysto dilka Soomaali-Canadian.

Falkaas oo dhacay 24-kii July 2016-kii ayaa sababay banaanbaxyo balaaran oo cadaalad loogu dalbay Cabdiraxmaan Cabdi oo qoyskiisu sheegeen in madaxa looga jiray isla markaana caafimaadkiisu taam ahayn.

Sidda ay wararku sheegayaan, geerida Cabdiraxmaan ayaa ka dambeysay ciidanka booliska oo loogu yeeray maqaaxi la xusay in uu ka dhacayey xadgudub; marxuumka ayaa kadib cararay, waana lasoo qabtay.

Booliska ayaa qoorta dhulka ugu qabtay Cabdi, waxayna u geysteen jirdil iyo garaacis sababtay in ay jabaan qaar kamid ah lafaha jirkiisa. Saacado kadib, waxaa lasoo wariyey in uu u dhintay wadno xanuun.

Daniel Montsion, oo ah sarkaalka wajahaya maxkamadeynta, ayaa dhageysiga ay u tahay fursadii ugu dambeysay, taas oo ka dhigan in xukunka garsooreyaasha uu soo bixi doono kadib gal-maqalka oo 3 maalmood ah.

Dacwad-oogeyaasha iyo qareenada difaacaya eedeysanaha ayaa maalmahaas kasoo muuqan doono xeer-beegtadda si doodahooda u difaacdaan xilli Montsion lagu soo oogay dacwad ah in uu dil bareer ah ku kacay.

Bishii April ayaa qorshuhu ahaa in dib loo bilaabo dhageysiga kiiska, hase ahaatee, waxaa dib loogu dhigay safmarka dilaaga ah ee Coronavirus dartiis.

Kolkaan, sidda xogta muujineyso, dhageysiga dacwadda waxaa maxkamadda kaliya loo ogol-yahay in ay kasoo muuqdaan garsooreyaasha iyo sarkaalka.

Canada oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo dalka hooyo uga qaxay dagaalada iyo falal ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada ee dilka iyo qaraxyadda ah ayaa xiliyadda qaar tacadiyo kala kulma ciidanka booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM