Cadowga Soomaaliya ee aysan isku mowqif ka hayn Farmaajo iyo Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Bulshadda Soomaaliyeed waxay isla qirsan tahay in dalka Soomaaliya uu leeyahay cadow fara badan oo badankooda sameysay intii uu xukunka hayey Jaalle Maxamed Siyaasad Barre iyo kahorba.

Inkasta oo uu dalku gaarsiiyay horumar wanaagsan mudadii uu taladda hayey, haddana dadka dhaliila waxay aaminsan yihiin in Siyaasad Barre uu ahaa kaliyetaliye beegsan jiray dadka kasoo horjeeda.

Cadowga la sheego in Soomaaliya ay leedahay ayaa isugu jira mid daahsoon iyo mid dibadda yaala. Balse waxay labadooduba ka siman yihiin in ay adeegsadaan dad Soomaali ah oo danahooda u fuliya.

Arrintaasi ayaa la sheegay in ay ka dhalatay burburkii wadanka ka dhacay. Soomaalida la adeegsado ayaa la tilmaamay in ay yihiin kuwa u cararay wadamada adeegsada haba ugu badnaadeen kuwa deriska.

Marka lasoo koobo fasiraad ahaan erayga "Cadow" waa dal ama dad kasoo horjeeda kaana haysta wax aad adigu leedahay ama dhibaato kuu geystay walina aan kuu ogolayn in aad horumar sameyso.

Isaga oo ku sugan wasaarada difaaca Maaj 26-keeda 2019, madaxwayne Farmaajo ayaa si aan gambasho ahayn u qiray in dalka uu wajahayo laba cadow. Al-Shabaab iyo shisheeyaha majaxaabinaya hiigsiga qaranka.

"Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadaw aad u fara-badan mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada soomaaliya inay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa, maxaa yeelay meesha aan ku naalo iyo nimcada aan heysano nalooma ogola, aduunka oo dhan waxa alla wixii kaa awood badan waxa ay rabaan in ay ku maamulaan iyaga ayaa ku dagaalamaya waliba sidii ay kuu maamuli lahaayeen, waxaa shaqada u qabanaya dad Soomaalyeed oo waliba muwaadiniin ah si aan marnaba xasilooni loo helin," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo, sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Hasa yeeshee, ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Khayre, ayaa, si naadir ah, gaashaanka ku dhuftay arrinkaasi, isaga oo ku nuux-nuux saday in uusan jirin cadow dibadda kasoo duulay oo haysta Soomaaliya.

Balse waxa uu farta ku fiiqay Al-Shabaab oo uu afka ku balaariyay in ay si qaldan u adeegsato Diinta Islaamka.

Khayre ayaa hadalkaan ka sheegay xeritaanka Shirka Culimada Soomaaliyeed, ee Talaaladii lagu afmeeray caasimada, kaasi oo qodobada kasoo baxay ay ku jireen in dadka Soomaaliya ay 100% yihiin Muslimiin Sunni ah.

"Hadii la isla qiray in Umadda Soomaaliyeed ay 100% tahay Muslimiin Sunni ah, waa ayo gaalada ay Shabaabku sheeganayaan in ay la dagaalamayaan? … yaawado waxaan marka? Caruurta la qarxinayo iyo kuwa lasoo marin-habaabiyayba … nama haystaan Beelo ay qalaalaaso ka dhaxeyso oo ay colaad ka dhex jirto … ama nama haysto cadow dibadda nooga yimid … laakiin waa dad Diinta ku nasab sheeganaya oo wiilasheena ah [AlShabaab]," ayuu Khayre yiri.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa ayiday hadalkii Maaxwayne Farmaajo ee ahaa in Culimada Soomaaliyeed uu door uga furan yahay in ay ka shaqeeyaan waan-waan ay ka dhex-bilaabaan dowlada iyo Al-Shabaab.

Arrimahaan ayaa qayb ka ah hadalo is-burinaya oo mudooyinkii dambe kasoo kala yeerayay labada mas'uul ee ugu sareysa dalka.

Mar sii horeysay Khayre ayaa ka dhawaajiyay in la bixiyey mushaharka ciidanka Soomaaliya, dhaqaalaha uu kobcay, amnigana horumar baaxad ah ay ka xukuumadiisa labada sano joogta.

Laakiinse, madaxwayne Farmaajo ayaa dhamaan arrimahaan qashinka ku daray. Wuxuu qiray in ciidanka aysan mushaar qaadan saddex bilood. Dhaqaalo xumo baahsan ay jirto. Amnigana aanan guulo laga gaarin.

Dadka ka faaloodda siyaasada oo diiday in ay xukmiyaan rasmi ahaan waxay ka dhigan tahay arrintaan ayaa ku macneeyay "run loo baahnaa oo in muddo ah daaha gadaashiisa ku jirta balse waxa xiga aan laga horudhici karin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM