CC Shakuur oo difaacay Sanbaloolshe: "Xaashi wuxuu noqday denbi qariye"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa weerar afka ah ku qaadey gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi, oo wareysi uu dhawaan bixiyay dhaliyay dood cusub oo ku saabsan Kiiska Qalbi-Dhagax.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku sheegay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay in Cabdi Xaashi ogolaaday in uu eedda kiiska dhiibistii Qalbi-Dhagax ka rogay madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu ku geddiyay Sanbalooshe, taliyihii hore ee NISA.

Wareysi uu bixiyay Cabdi Xaashi ayuu ku sheegay in Qalbi-Dhagax aan la dhiibin, balse isagu ka codsaday dowaladda Soomaaliya inay u noqoto wadadii uu ugu laaban lahaa dalka Itoobiya, maadaama uu yahay sarkaal katirsan ONLF.

Laakiin, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su'aal la keenay hadalka gudoomiyaha Aqalka Sare, isagoo sheegay Cabdi Xaashi looga baahnaa inuu waraysigan bixiyo maalmihii doodda kiiska Qalbidhagax taagnayd, si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan xaqiiqda jirta.

"Haddii Cabdi Xaashi uu waraysigan bixin lahaa maalmihii doodda kiiska Qalbidhagax taagnayd, waxaan la is oran lahaa waa ka daacad wuxuu sheegayo, laakiin isagoo xog-ogaal u ah xaqiiqada dhacdooyinka isdaba taxnaa ee kiiska Qalbidhagax in uu si ula kac ah masuuliyadda uga leexiyo madaxweynaha kuna eed tiro waxey dhaawacaysaa shakhsiyaddiisa, wuxuuna ku gabood falay xilka uu ummada u hayo, wuxuuna ku xadgudbay garaadka muwaadinka Soomaaliyeed," ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdi Xaashi wuxuu tilmaamay in habeenkii horeysay maalintii Qalbi-Dhagax laga qaadayay Muqdisho uu la kulmay  Farmaajo, isagoo ay la socdeen markaas Maxamed Cabdi Yuusuf iyo C/risaaqa Juriile kadibna ay Madaxweyne u sheegeen in dhiibista muwaadinka Soomaaliyeed ay noqonayso denbigii ugu weynaa oo dowladda Federaalka gasho, taasi oo ay ka digeen.

Saacado kadib isla habeenkii wuxuu sheegay Cabdi Xaashi in Madaxweynuhu ugu yeeray xafiiskiisa Villa Soomaaliya, kadibna u wacay Sanbaloolshe oo uu ku yiri: U sheegay Cabdi Xaashi waxaad ii sheegaysay, oo ah in Qalbi Dhagax isaga dalbaday in loo gudbiyo Itoobiya.

Cabdi Xaashi wuxuu qiray inay ka hoos-baxday hal arin oo ahayd inuu ku yiraahdo Sanbalooshe Qalbi-Dhagax uu keen, si uu afkiisa uga xaqiijiyo hadalka loo sheegay inuu yahay mid uu isagu yiro, oo sax ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aaminsan in hadalka Cabdi Xaashi yahay mid siyaasadeysan, oo ujeedkiisu yahay in denbiga dowladda ka gashay Qalbi-Dhagax, dusha laga saaro Sanbaloolshe, maadaama xilkii taliyaha NISA laga qaadey.

QORAALKA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR:

Gudoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi wuxuu ogolaaday in uu noqdo denbi qariye, eed ka roge iyo asture loo isticmaalay in uu eedda kiiska Qalbidhagax ka rogo madaxweyne Farmaajo kuna geddiyo Sanbalooshe. Waase isku day si farsamo liitada loo soo qorsheeyey, dhanka su’aasha loo dhigay iyo jawaabta uu Cabdi Xaashi bixiyey intaba.

Waraysiga Cabdi Xaashi waxaa lagu soo beegay maalmo yar ka dib waraysigii xanuunka badnaa, ee la ii sheegay in ay Villa Somalia, ka hurdi waysay ee uu bixiyey Qalbidhagax oo eed culus dusha ka saaray madaxweynaha.

Cabdi Xaashi wuxuu leeyahay Sanbalooshe ayaa marin habaabiyey madaxweynaha, haddii ay sidaa tahay muxuu madaxweynuhu xilka uga qaadi waayey Sanbalooshe oo xilka 3 oo kale sii hayey? Muxuuse madaxweynuhu u diidi waayey go’aanka ay xukuumaddiisu Qalbidhagax iyo ONLF ku sheegtay in ay argagexiso yihiin?

Haddii Cabdi Xaashi uu waraysigan bixin lahaa maalmihii doodda kiiska Qalbidhagax taagnayd, waxaan la is oran lahaa waa ka daacad wuxuu sheegayo, laakiin isagoo xog-ogaal u ah xaqiiqada dhacdooyinka isdaba taxnaa ee kiiska Qalbidhagax in uu si ula kac ah masuuliyadda uga leexiyo madaxweynaha kuna eed tiro waxey dhaawacaysaa shakhsiyaddiisa, wuxuuna ku gabood falay xilka uu ummada u hayo, wuxuuna ku xadgudbay garaadka muwaadinka Soomaaliyeed.

Sababta keli ah ee uu Sanbalooshe eedda u saarayana, waa ‘miskiin baa miska la fuulo leh’, maadaama uusan haatan xil haynin, sababtoo ah intii uu Sanbalooshe xilka hayey Cabdi Xaashi marna kiiska Qalbidhagax kama hadlin, horayna weligii ugama hadal. Haddii dhiibistii Qalbidhagax ee shalay ay marada ka ridday waddani N&N, maantana waxay marada ka riday waddanigii Kacaanka.

Soomaaliyeed iska jira kaligiis waddani iyo kaligiis Islaam.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM