Wargeys: Silvia Romano waxaa lagu soo daayey is-dhaafsi lacag

Image

ROMA, Italy – Iyaddoo ay jiraan warar is-burinaya, wargeyska Corriere della Sera ee kasoo baxa wadanka Talyaaniga ayaa macluumaad horleh ku kordhiyey xaaladda Silvia Constanzo Romano.

Romano oo ahayd haweenay ka shaqeysa arrimaha samafalka muddo ku dhowaad 18 bilood ahna lagu haystay degaano ay Al-Shabaab maamusho ayaa xorriyadeeda dib heshay.

Balse, illaa iyo haatan fahfaahin buuxda lagama bixin qaabka loosoo daayey, marka laga reebo in mas'uuliyiinta ay adeegsadeen erayadda "in la xoreeyey iyo lasoo badbaadiyey".

Hase ahaatee, jaraa'idka Corriere Della Sera ayaa aaminsan in uu jiro is-dhaafsi lacageed, balse ma carabaabin cadadka. Warbixinta ayuu ku xusay in saddex dhinac ay ku lug leeyihiin.

Wallow uusan magacaabin, dhinacyadda ayuu ku sheegay saraakiil dhinaca sirdoonka ah, dowladda Talyaaniga iyo wakiilo ka socday dhanka ururka Al-Shabaab.

"Ergooynka kooxda ayaa tilmaamay in xabsiga uu ku yaalay degaanka Buulo Fulaay ee gobolka Baay. Iyagu waxay sheegeen in god ay ku jiraan la haysteyaal kale lagu soo xiray. Kadib, waxay soo bandhigeen cadadka lacagta oo lagu siiyey xiriiro kala duwan," ayuu daabacay.

Mas'uuliyiin dhanka amniga ah ayaa VOA-da u sheegay in Silvia Constanzo Romano "laga helay" keyn ku taala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo lala xiriiriyey afduubka ayaanan horey si furan uga hadlin xaaladda haweenayda. Sidoo kale, ma aysan soo bandhigin cadad lacag madax furasho ah.

Bishii November ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii Salvia laga soo watay degaanka Chakama ee koonfur-bari Kenya, kuna dhow xuduudka Soomaaliya. Lama ogga qaabka loosoo gudbiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM