DF oo ka banaanbaxdey xiriirka ay Taiwan la sameysatay Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ayaa si kulul u cambaareysay kana digtay isla markaana ku waanisay in ay ka baaqsato "isku dayada iyo xadgudubyadda ay Taiwan ku kala qeybineyso Soomaaliya".

Dhawaqaan ayaa wuxuu kusoo hagaagaya ka gedaal markii gobolka China ka tirsan ee Taiwan uu Isniintii shalay ahayd xafiis ka furtay Hargeysa, magaala madaxda maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Somaliland iyo Taiwan oo aan haysan aqoonsi caalami ah ayaa horaantii sanadkan 2020 waxay isku raaceen in ay sameystaan iskaashi laba geesood ah kuna saabsan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.

Wasaarada arrimaha dibada xukuumada Muqdisho oo soo saartey war-saxaafadeed nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa talaabooyinka Taiwan waxay ku sifeysay "kuwa aan aad looga fiirsan".

Bayaanka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay ixtiraameyso madax-banaanida dowladaha caalamka, talaabadaas oo u muuqata mid lagu muujinayo in Muqdisho ayidsan tahay mabda'a "Hal China".

"Sidaas awgeed, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Taiwan in ay joojiso dhaqdhaqaaq aan ogolaanshiyo haysan oo ay ka fuliso qayb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mabaadi'dan kama gorgortameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri.

Gabagabadii, qoraalka ayaa lagu tibaaxay in Soomaaliya ay qaadeyso talaabo kasta oo daruuri ah kuna xusan shuruucda caalamka si ay u ilaaliso madax-banaanida, wadajirka iyo sharafteeda, arrintaas oo u muuqata hanjabaad.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM