DF oo ka Caga Jiideysa Wada-hadalka Maamul Goboleedyada [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare, ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyey amarkii uu Golluhu dul-dhigtay madaxtooyadda ee ahaa inay muddo saddex cisho ah ay kaga soo jawaabto tabashooyinka maamuladda.

Madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda dhexe inay ku fashilantay fulinta heshiisyo ay la gashay, faragelin ay ku hayso arrimahooda gudaha iyo qodobo kale.

Gudoomiye Xaashi oo wareysi siiyey Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa xusay in talaabadani ay ka dambeysay markii xukuumadda ku guuldareystay inay soo gudbiso jawaab ay ka sugayeen, isaga oo xusay inay dhabaha xalka lagu gaari.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Aqalka Sarre ayaa sidoo kale lagu faray madaxtooyadda inay ku caddayso mowqifkeeda ku wajahan doorka dhex-dhaxaadinta ee Aqalka Odayaasha iyo hadii ay u uhogaan-sami doonto go'aanada ama oraahda uu Golluhu kasoo saaro khilaafka.

Jawaabta oo ku qotontay cabashada dowladaha xubnaha Federaalka Soomaaliya ayuu rajo wanaagsan ka muujiyay inay madaxda sarre soo gudbin doonan maalmaha ay qabteen.

Dhinaca kale, Cabdi Xaashi ayaa wax laga waydiiyay shirka lagu wado inuu magaalada Garowe uga furmo madaxda maamuladda, kaasi oo uu tibaaxay inay rajaynayaa inay kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah.

"Shirkaan wuxuu horey ugu balameen inay qabsadaan 10-ka bishaan October, inaga ayaa ka codsaday inay ka dhigaan 15, mar kale waxay ku balameen 19-ka, markii aan dowladda ka waynay jawaab way nagu adkaatay inaan mar saddexaad ku dhahno dib udhiga," ayuu Afhayeenka Aqalka Sarre udhigay hadalkiisa.

Madaxwaynayaasha maamuladda ayuu Cabdi Xaashi ku nuux-nuux saday inay u cadeeyeen Guddiyadii gaar-gaarka ahaa inay diyaar uyihiin wadahadal ay la galeen dowladda dhexe, balse Villa Soomaaliya ay ka cagajiideyso wadaxaajoodyadda.

"Madaxwaynayaasha way nasiiyeen kalsoonidooda, waxayna noo sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadal, balse dhinacii kale ayaa nan wali laga haynin wax jawaab ah," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Shirka Garowe oo kusoo aadaya iyadda ay Gadood sameeyeen ciidamadii Madaxtooyadda Puntland sababo mushaar la'aan muddo todoba bilood ah ayaa waxaanan ka qaybgalaynin Madaxweynaha HirShabeelle, oo heshiis la gaaray dowladda dhexe.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada dhexe iyo madaxda maamuladda, kaasi oo gaarey heerkii ugu sareeyay ayaa keenay hakad ku yimaado howlo fara badan kuwaasi oo qaranka muhiim u ahaa, gaar ahaan dhinacyadda siyaasadda iyo amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM