DF oo Kenya u ogolaatey inay Qunsuliyado ka furato Kismaayo iyo Hargeysa

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo Isniinta maanta ah hortagay Aqalka Sare ayaa sheegay in dowlada Federaalka u ogolaatey Kenya inay qunsuliyado ka furato magaalooyinka Kismaayo iyo Hargaysa.

Kenya ayaa haatan safaarad ku leh magaalada caasimada ah ee Muqdisho, taasoo laga dhisay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

"Kenya iyadda ayaa ina waydiisatay, waanu u ogolaanay. Dal walba oo aan la kulano waxaanu waydiisanaa inuu magaalooyinka dalka ka furto qunsulyadu,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo kahor hadlayay Aqalka Sare.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa dafiray in xukuumada Soomaaliya ay codsatay in deeq-bixiyayaasha dhaqaalaha ka joojiyaan Somaliland, isagoo inska indha-tiray qoraal kasoo baxay Wasaarada Qorshaynta June, 2018 dalabkaasi lagu caddeeyay.

“Inaga ayaa caalamka u waydiina in la siiyo taageero dheeri ah,” ayuu ku jawaabay Wasiirka markii Senataro kasoo jeeda Somaliland oo Aqalka sare ka tirsan ay arrintaasi wax ka waydiiyeen wasiir Cawad.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, isagoo ka dalbaday dalalka caalamka inay dhowraan arrintaasi.

Hadalka Cawad ayaa kusoo beegmaya xilli maalin kahor Madaxweyne Farmaajo khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, oo ay kawada hadleen arrimo khuseeya xiriirka labada wadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM