Murashaxiinta gudoonka xeer-dejinta KG oo la diiwaan-gelinayo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga qaban-qaabada doorashada gudoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa lagu waramay in ay maanta bilaabayaan diiwaan-gelinta murashaxiinta.

Xubnaha doonaya in ay qabtaan xilalka kala ah; afhayeenka iyo labadiisa ku xigeen ayaa haysta muddo laba maalmood ah.

Wararka ayaa sheegaya in xukuumada federaalka ay xilka gudoomiyaha la raadineyso Axmed Saciid Fiqi, safiirkii Soomaaliya ee Midowga Yurub, kaasoo ku biiray xeer-dejinta maamulka.

Murashaxiinta ayaa waxaa la hor-dhigay shuruudo adag, wallow illaa iyo haatan aan si rasmi ah loogu soo bandhigin saxaafada.

Warbixino horudhac ah ayaa muujinaya in wasiirada kawada tirsan Golaha Wakiilada iyo Xukuumada loo sheegay in ay waajib tahay in ay is-casilaan si ay u qabtaan xilka guddoonka.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waqti xaadirkaan tiro ahaan gaaraya 95, waxaana laga soo yareeyay in 129. Illaa iyo haatan, si dhab ah looma ogga ujeedada iyo sababta keentay.

Villa Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in ay gacanta ku dhigto hogaanka maamul goboleedka markii ay faragelisay doorashadii December ee dhiiga uu ku daatay markii laga hor-yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM