Farmaajo oo saxiixay sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyinka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu muransan yahay ee doorashooyinka, kaasoo ay ka hor-yimaadeen maamuladda qaar ee waddanka.

Warqadda saxiixa hogaamiyaha dalka waxaa xafladda xiritaanka kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ka akhriyey ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa caddeeyay in hindise sharciyeedkan uu dhaqan-gal noqon doono marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay "in dalku aadey doorasho" wallow uusan carababaabin nooca ay noqon doonto balse wuxuu intaas ku daray "ha leysku diyaariyo".

Aqalka Hoose oo galaya fasax kooban ayaa qorshuhu yahay in ay dib u soo laabtaan bisha April, waxaana shaqooyinka ugu muhiimsan ee horyaala kamid ah arrimaha doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 waxaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa shaki weyn maadaama aanan illaa iyo haatan heshiis mideysan laga gaarin.

Qodobadda ugu waaweyn ee ku geedaaman doorashooyinka waxaa kamid ah nooca ay noqoneyso maadaama la xusay in aysan noqon karin qof iyo cod, iyadoo laga duulayo amniga iyo Al-Shabaab oo wali maamusho meelo badan.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM