Farqiga u dhaxeeya qoraaladii Farmaajo iyo Khayre ee doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si furan wuxuu uga digay in dowladda hadda jirta muddo kordhin loo sameeyo, isaga oo sheegay inay muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

"Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur", ayuu u sheegay wasiiradiisa kadib kulankii shalay.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa adkeeyay in hanaanka loo marayo coddeynta ay noqoto mid loo-dhan yahay, taas oo la macno ah in laga talageliyo saamileyda.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu taageeray go’aanka golaha wasiirradu ay ku gaareen in doorashadu ay xilligiigeedi ku dhacdo lagana fogaado "fekerka waqti ku darsiga".

Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay "in aan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo is qancin".

Inkasta oo labada qoraal ay ka wada siman yihiin in doorasho la qabto, haddana waxaa muuqata in macno ahaan iyo ujeedo ahaan kala duwan yihiin, sidda ay aaminsan yihiin siyaasiyiin iyo khuburo.

Warar xog ogaal ah ayaa qeexaya in madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ay isku mowqif ka ahayn doorashadda isla markaana Farmaajo doonayo muddo kororsi, Khayre-na uu kasoo horjeedo.

Xil-heynta goleyaasha sharci-dejinta Soomaaliya ayaa dhacaya November, 2020, halka xukuumadda uu muddo xileedkeeda ku eg-yahay Febraayo, sanadka dambe ee 2021-ka.

"Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah"

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa farta ku fiiqay mid kamid ah dadalooda kasoo ifbaxay qoraalka Villa Soomaaliya ee go'aankii xukuumadda.

"Madaxweyne bal iswaafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya," ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa xusay: "Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada. Haddii si kale loo dhigo waa muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray, waa riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay".

Shirka madaxda maamuladda uga furmaya Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, ayuu caddeeyay in la rajeynayo in ay kasoo baxaan qodobo xal waara u noqon kara xaaladda cakiran ee hadda taagan.

Dhinaciisa, wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa rumeysan in qoraaladda Farmaajo iyo Khayre looga horudhacayo kulankaas ayna yihiin "nuxurka wixii kasoo bixi lahaa shirka wadatashiga".

Fiqi ayaa ka shanqariyey in ay suurtagal tahay in Shirka Dhuusamareeb ay gedaal kaga soo biiraan madax ka tirsan dowladda federaalka ah.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in laga yaabo in Khayre uu gedaal kaga biiro shirkaas. Sidoo kale, waxaa lagu casuumay afhayeenka Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Doorashooyinka 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa guddiga loo xil-saarey uu caddeeyay in aysan waqtigeeda ku dhicin, taas oo ka dhigan in talaabada xigta u baahan tahay wada-ogol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM