Gaas oo ku wajahan Baydhabo xilli Puntland ka jirto xaalad amni xumo

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland ayaa ku wajahan magalada Baydhabo maalinta Axada sida warsidaha Garowe Online ku heley warar lagu kalsoon yahay.

Magalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inuu ka dhaco kulan looga hadlayo qorshaha amni ee dalka Soomaaliya ka taageerto beesha caalamka kaasoo ay rabto iney iskaashi ka yeeshaan maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federalka ah.

Kulankaan ayaa dowlada Federaalka muddo dooneysay inuu qabsoomo iyadoo sida GO fahansan yahay shirkii ka dhacey Brussels madaxda Soomaalida lagu xirey iney arinkaan iskaashi kala yeeshaan maamulada Soomaaliya.

Dib u dhaca kulnakaan ayaa waxaa sababey xiriirka xun ee u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka kaasoo shirkii ka dhacey Baydhabo markii uu dhamaadey la isku khilaafey in codsi ka yimid Ra’isal wasaraha Soomaaliya la aqbalo kasoo ahaa in magaalo madaxda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed kula kulmo madaxda dowlad goboleedyada.

Arinkaan ayaa waxaa soo bandhigey inta uu socdey shirkii Baydhabo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo HirShabeele kuwasoo wayadaan dambe aad ugu dhow Villa Soomaaliya balse waxaa diidey Madaxwynaha Jubaland Axmada Madoobe.

Kulankii Baydhabo ka dhacey horaantii bisha May ayaa warmurtiyeed maamulada Soomaaliya kasoo saareen waxay dowlada Federaalka ku eedeeyeen in kulamada looga hadlo amniga dalka aysan aheyn kuwo miro dhal ah madaama Villa Somalia aysan dalka intiisa kale la wadaagin kaalmada dhaqaale iyo Militari ay ka hesho beesha caalamka. Halkaan ka akhri 

Madaxda maamulada oo sheega shacabkooda u sheega in Villa Soomaaliya khilaafsan yihiin ayaa waxaa magalada Muqdisho iyo Nairobi ugu sugan wakiilo kuwasoo kulamo joogta ah la qaata dhigooda Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamadaan waxaa wakiil uga ah nin la yirahado Dio Mio kaasoo agaasime uga ahaan jirey xafiiskiisa markii uu xilka Ra’isal wasaraha ka hayey dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa u ambabaxaya magalaada Baydhabo xilli xaalada amniga maamulkaan uusan hagaagsaneyn iyadoo ay jirto xaalada colaadeed ee Tukaraq halka kooxda Al Shabaab weeraro joogta ku hayso ciidamada amniga Puntland.

Maamulka Somaliland ayaa tan iyo intii ay bilowdeen dagaalada Tukaraq ku eedeynayey in dowlada Federaalka ka dambeyso soo qaadista weerarada ka dhanka ah.

Puntland oo ka tirsan nidaamka Federaalka Soomaaliya ayaa wax tageero ciidan ah iyo mid siyaasadeed ka helin Villa Somalia tan iyo intii Somaliland qabsatey Tukaraq.

Madaxweyne Gaas oo Baydhabo ku maqnaa markii uu dhacayey dagaalkii hore ee Tukaraq ayaa safarkiisaan waxaa uu ku soo beegmayaa mar kale xilli kooxda Al Shabaab weerar gaadmo ah saaka aroortii ku soo qaadey fariisin ciidamada amniga Puntland ku lahaayeen agagaarka Tukaraq.

Gaas ayaa shacabka Puntland horey ugu sheegey in dowlada Federaalka ku khilaafsan yahay siyaasadooda ku aadan Khaliijka hadana kulamada noocaan ah ka qayb gala isagoo wax- fasiraad ah ka bixin Sababta tanaasulaad-yada joogtada ah u sameynayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM